Home Wararka Caalamka Ferrier oo Doonaysay inay Sun Ku Disho Donald Trump oo Xukun Adag...

Ferrier oo Doonaysay inay Sun Ku Disho Donald Trump oo Xukun Adag Lagu Riday

0

Maxkamad ku taal dalka Maraykanka ayaa Haweeney u dhalatay dalka Canada ku xukuntay 22 sano, kadib markii lagu helay dambi ah inay u dirtay warqado ay ku jirto sun Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump sanadkii 2020kii.

Haweeneydan oo 56 sano jir ah, ayaa baqshad ku ridey sun halis ah una dirtey Trump,hase yeeshee waxaa warqadaasi la qabtay kahor inta aysan gaarin Aqalka Cad.

Ferrier ayaa maxkamada u sheegtay in ay ka xuntahay in qorshaheeda uu fashilmay ayna ay joojin kari wayday Trump.
Hadal ay ka jeedisay Maxkamada ayay ku sheegtay heegtay in ay isku aragto qof siyaasi ah oo aysan ahayn argagaxiso.

“Waxaan rabaa inaan helo waddo nabadeed oo aan ku gaaro yoolalkayga,” Ferrier ayaa ku tir.
FBI-da ayaa faraheeda ka heshay warqadda ay u dirtay Mr Trump, taasoo ay ugu baaqday Trump inuu ka haro tartanka madaxtinimada.

Garsooraha degmada Dabney Friedrich ayaa Ferrier ku xukumay 262 bilood – oo kaliya 22 sano oo xabsi ah.
Waxaa laga masaafurin doonaa Mareykanka ka dib marka ay dhameyso xukunkeeda oo ay wajihi doonto kormeer nolosha ah haddi ay dib ugu soo laabato.

Sidoo kale haweeneydan ayaa qirtay inay u dirtey waraaqo la mid ah siddeed sarkaal oo sharci fulinta Texas ah.
Ferrier, oo haysata dhalashada wadamada Kanada iyo Faransiiska ayaa la qabtay xilli ay dooneysay inay ka gudubto Buffalo,New York bishii September 2020 waxayna sidatay qori,mindi iyo rasaas.

Sanadkii 2014-kii, ayaa nin ka soo jeeda gobolka Mississippi dalka Maraykanka lagu xukumay 25 sano oo xarig kadib markii warqado sumeysan uu u direy Madaxweyne Barack Obama iyo saraakiil kale.

Previous articleGabadha laba jirka ah ee muranka ka dhex dhalisay Jarmlka iyo Hindiya iyo xaalka oo cakiran
Next articleWar DEG DEG AH:Dagaal Culus oo u dhaxeeya laba Ciidan oo Ka Wada Tirsa Dowlada Soomaaliya oo Kasocda Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here