Home Wararka Maanta Nabadoon Xaad oo ku hanjabay in lasoo celinayo ‘Badbaado Qaran Hadii Xasan...

Nabadoon Xaad oo ku hanjabay in lasoo celinayo ‘Badbaado Qaran Hadii Xasan shiikh Mudo korarsiga Ka Dhabeeyo

0

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ka hadlay muddo kororsiga cusub ee golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheynayaan.

Nabadoon Xaad ayaa ku goodiyey in ciidan badbaado qaran ah ay mar kale abuuri doonaan, hadii dowladaan ay ku dhaqaaqdo muddo kororsi, sida uu carabka ku adkeeyey Nabadoon Xaad.

“Xasan Sheekh muxuu ku yimid? Badbaado Qaran ayuu ka mid ahaa, hadda muddo kororsi hadii ay ku dhaqaaqdo dowladiisu, afarta sano ayuu weynayaa walaahi,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Nabadoonka ayaa carrabka ku adkeeyey in muddo kororsigaan uu qaldan yahay oo ay ka digayaan, “Muddo kororsi rag ayaa horay u damcay, wixii ku dhacana waa la ogaa, dagaal toos ah ayaa ka dhashay,” ayuu yiri.

Guddoomiye Xaad ayaa baarlamaanka dalka uga digay inay ku dhaqaaqaan tallaabo aan lagu heshiin, “Baarlamaan, walaa madaxweyne, cid sameyn karta wax aan lagu heshiin ma jirto,” ayuu ku goodiyey Xaad.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo wareysigaan siiyey Weriye madax-banaan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Faracadde ayaa yiri, “Waa qaldan yahay guddiga loo xilsaaray muddo kororsiga ee baarlamaanku iska soo xulay, dad damac xun ku jiro ayaa ka shaqeeyey arrintaan,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Ugu dambeyntii Nabadoonka ayaa ku goodiyey in ciddii ku dhaqaaqda muddo kororsi ay la kulmi doonto wixii ay la kulmeen kooxdii Farmaajo ee awooda ciidan looga hor istaagay muddo kororsiga.

“Wax lala yaabo waaye waxa socda, waxa ku qasbana ayagaa la weydiinayaa, laakiin cid ka yeeleysa ma jirto, maxay ku timid Badbaado Qaran, Xasan Sheekh soo badbaado qaran kuma imaan, walaahi 4-ta sano ayuu ku weynayaa,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.
Previous articleGudoomiye Xaad oo sheegay sababta loo xoreyn waayey dhulka beesha Murusade
Next articleAlshabaab oo Weerary Bar Koontarool oo ay ku sugnaayewn Ciidamada Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here