Home Wararka Maanta Wariye Caan ah oo lagu dilay dalka Kenya iyo Madaxweyne Arif Alvi...

Wariye Caan ah oo lagu dilay dalka Kenya iyo Madaxweyne Arif Alvi oo ka hadlay

0

Wariye caan ah oo u dhashay dalka Pakistan oo lagu magacaabayay Arshad Shariif, ayaa lagu dilay magaalada Kajiado oon sidaa uga fogeyn magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay booliiska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in toogasho lagu dilay wariye Arshad Shariif oo u dhashay dalka Pakistan, waxa uuna sheegay afhayeenka in ay baarayaan sababta ka dambeysa dilka wariyaha.

Warar soo baxaya ayna baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaya in wariyaha jidgooyo loo dhigtay xilli uu marayay waddo u dhaxeysa magaalooyinka Nairobi iyo Kajiado , waxaana wariyaha toogtay kooxdii jidgooyada u dhigatay.

Xaaska wariyaha la dilay ayaa xaqiijisay in la dilay ninkeedii ay jecleyd, waxa ayna sheegtay in dilkaasi aad uga naxeen iyada iyo qoyska wariyaha, iyadoona dadka ka dalbatay in ay u duceeyaan marxuumka.

Madaxweynaha Pakistan Arif Alvi, ayaa cambaareeyay dilka Kenya loogu geestay wariye Arshad Shariif, waxa uuna xusay in dilka wariyahan dhibaato weyn ku tahay saxaafadda Pakistan, waxa uuna tacsi u diray eheladiisa.

Wariyahan la toogtay ayaa caan ka ahaa gudaha Pakistan, waxa uuna warbixino ka diyaariyay arrimaha musuqmaasuqa dalka Pakistan iyo sidoo kale kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan oo saraakiisha Pakistan xiriir la leh.

Previous articleFaahfaahin Dheeri oo kasoo Baxaysa Dilka Maxamed Cali Maas oo Muqdisho lagu Dilay
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Masaajid Cali Gaduud iyo Diyaarado ka qeyb qaadanaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here