Home Wararka Caalamka Weerar ku Bilowday Qaraxyo oo lagu Qaaday Xarunta Baarlamaanka Dalka Turkiga

Weerar ku Bilowday Qaraxyo oo lagu Qaaday Xarunta Baarlamaanka Dalka Turkiga

0

Qarax ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara ayaa ahaa “Weerar Argagixiso” oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan booliska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Labo nin oo weerarka soo qaaday ayaa ku yimid gaari ganacsi abaare 09:30 waxayna qaadeen weerarka, ayuu yiri Cali Yerlikaya.

Cali Yerlikaya ayaa sheegay in qof weerarka soo qaaday uu isku qarxiyay afaafka hore ee dhismo wasaaradeed mid kalana “la fashiliyey.

Qaraxa ayaa dhacay saacado uun ka hor inta aan dib loo furin kulanka baarlamaanka.

Ma cadda cidda ay ahaayeen kooxda weerarka geysatay mana jirto cid sheegatay illaa hadda.

Wararkii ugu horeeyay ee warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaya in rasaas laga maqlay aagga. Ciidamada Gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ciidamada Boolisku ay xireen dhowr waddo oo ku xeeran aagga.

Halgankeennu waa uu sii socon doonaa ilaa argagixisada ugu dambeysa laga saarayo,” ayuu Cali Yerlikaya ku soo qoray baraha bulshada.

Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo Saaray Geerida Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf
Next articleXagee laga Soo Tuuray Hoobiyayaashii saakay lagu Garaacay Xaafada Ka Mid ah Muqdisho iyo Hooyo Xaamila Ah oo ku geeriyootay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here