Home Wararka Maanta In ka Badan 300 Muhaajiriin gaari looga dhex tagay oo la qabtay

In ka Badan 300 Muhaajiriin gaari looga dhex tagay oo la qabtay

0

Muhaajiriin gaari looga dhex tagay oo lagu qabtay xadka Mareykanka Saraakiisha Mexico ayaa qabtay in ka badan 340 qof oo ku jiray gaari xamuul oo looga tagay meel ku taalla gobolka Veracruz, waxaana ka mid ahaa 103 carruur aan cidna la socon.

Muhaajiriintan ayaa ka soo jeeda dalalka Guatemala, Honduras, El Salvador iyo Ecuador. Waa mid ka mid ah tiradii ugu badneyd ee dhowaan la qabto ayna ku jiraan carruur sii maraya Mexico.

Dhammaantood waxay u muuqdeen inaysna dhib qabin, oo si nabad ah ay ku yimaadeen. Lama oga halka uu jaan dhigay darawalku. Iyagoo ka cararaya saboolnimada iyo rabshadaha ka jira Bartamaha Ameerika, muhaajiriin badan oo aan la diwaan-gelin ayaa waxay ku qasbanaadaan inay lacag siiyaan mukhallasiinta si ay u gaarsiiyaan xadka Mareykanka.

Sanadkii hore, 53 muhaajiriin ah ayaa la helay iyagoo ku dhex dhintay gaari xamuul oo looga dhex tegay meel ka tirsan gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Guud ahaan ilaa 343 qof ayaa habeenkii Axadda laga helay gudaha gaariga, sida uu sheegay Machadka MUhaajiriinta Mexico ee (INM).

Waxaa laga helay marin caan ah oo muhaajiriinta laga geliyo Mareykanka. Muhaajiriintan ayaa waxaa daryeeli doona waaxaha bulshada ee Mexico ilaa xaalkooda laga go’aansanay

Previous articleAskar ka Tirsan Ciidanka Dowlada oo ku Geeriyootay Dagaaal Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here