Home Wararka Maanta Maxaa kala qabsaday Al-Shabaab iyo Aabe ay isaga iyo toddoba carruurtiisa ah...

Maxaa kala qabsaday Al-Shabaab iyo Aabe ay isaga iyo toddoba carruurtiisa ah ciidanka Soomaaliya ku wada jiraan?

0

Gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Ceyroow, waa aabbaha toddoba carruur ah oo shan kamid ah ay hadda yihiin ciidammo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka labada kalana ay ku bexeen gacanta Al-Shabaab xilli ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Labada wiil ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Jaamac Maxamuud Ceyroow iyo Faarax Maxamuud Ceyroow waxa ay kamid ahaayeen ciidammada militariga ee Soomaliya, dabayaaqadii sanadkii tegay ayaana lagu dilay Muqdisho.

Gaashaanle Ceyroow iyo afar carruur ah oo uu dhalay haatan waxa ay ka mid yihiin ciidammada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, hadda waxa ay ku sugan yihiin Degmada Xarardheree ee gobolka Mudug oo dhowaan lagala wareegay Al-Shabaab, iyagoo kamid ahaa ciidammadii gacanta ku dhigay deegaankaasi, halka kan kalena uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb isagoo kamid ah ciidammada ilaalada xarunta baarlamanka ee Galmudug.

Waa saddex gabdhood iyo labo wiil, marka lagu daro Faarax iyo Jaamac oo la dilay sidaas ayey ku noqonayaan toddoba.

Maxay tahay sababta ay ciidan u wada noqdeen?

Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay ku suuragashay in reerkan oo dhan ay noqdaan ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sababaha ku kaliftay.

Gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Ceyrow, ayaan weydiinnay isla su’aashaas lafteeda iyo suura galnimada in ilmihiisa ay wada noqdaan ciidan iyo waxa ku qasbay.

“Xilli aan ku nooleyn Xarardheere aniga iyo ilmaha aan dhalay ayey Al-Shabaab soo galeen degmada, aniga waxaan aad u diiddanaa aragtidooda, waxay iigu baaqeen in aan iyaga ku biiro waana ka diiday, xilligaasi aniga oo haysta ciidan aan badneyn ayaan Al-Shabaab dagaal culus la galnay, markaas wixii ka dambeeyay magaalada ayaan isaga soo baxay,” ayuu yiri

Ma aha go’aan sahlan in reer dhan ay noqdaan isku aragti. Gaashaanle Ceyroow waxa uu ka hadlay in ilmihiisa uu askareeyay iyo in kale.

“Ilmahayga kuma aanan qasbin in ay askar noqdaan, balse iyaga ayaa door biday in ay iga barbar dagaallamaan intii ay gumeysi ku noolaan lahaayeen,” ayuu yiri isagoo la hadlayay BBC-da.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay sida uu u arko in carruurtiisa ay ka barbar dagaallamaan.

“Waxaan ku faraxsanahay in ilmahayga ay diyaar u yihiin xoreynta deegannada dalka, ma jiro hal cunug oo aan dhalay oo dhahaya waxan ku noolanayaa meel ay joogaan Al-shabaab, ama shacab ayaan ahaanayaa ee ha I dilaan ama ha I daayaan, dhammaandood waxay doorteen in ay u noolaadaan si geesinimo leh”.

Dagaalkii Xamdi iyo hoggaamiyihii Al-Shabaab ee Xarardheere

Xamdi Maxamud Ceyroow waa curadda reer Ceyroow, waxa ay goob joog ka ahayd meel uu khudbad ka jeedinayay mid kamid ah hoggaamiyeyaashii Al-Shabaab xilligii ay la wareegeen Xarardheree.

Waxa ay dhegeheeda ku maqashay farriin loo dirayo dadka deegaanka oo ku saabsan in cidna aysan taageeri karin aabeheed Gaashaanle Ceyroow, haddana isaga lagu daba jiro oo uu ka baxay magaalada laguna howllanyahay in la soo qabto.

“Anigoo ka imid dugsi aan dhiganayay ayaan ku soo dhex dhacay meel uu ka hadlayay nin la dhihi jiray Kabo ku Tukade, xilligaasi ima uusan garaneyn, waxa uu u khudbeynayay dadka deegaanka, waxaana uuna u hanjabayay aabbeheey,” ayey tiri Xamdi.

Waxay Xamdi sheegtay in ninkaas uu si adag u sheegayay hadallo aad u qallafsan oo ku saabsan sida loo dili doono aabeheed.

Isla markiiba Xamdi waxa ay qaadday tallaabo layaab ku noqotay dadkii dhageysanayay khudbadda iyo ninkii qudbeynayayba.

“Markii hadalladaasi ay afkiisa kasoo baxday ayaan ciid badan gacmaha ku soo qaatay oo aan ku firdhiyay, meeshina waan isaga cararay iyadoo dib dambe loo sheegay in aan gabadhiisa ahay,” ayey tiri.

Xilligaasi wixii ka dambeeyay Xamdi waxa ay noo sheegtay in ay magaalada isagasoo baxday, muddo badan kadibna ay hadda iyada iyo ciidan ay ku jirto Al-Shabaab ka sareen Xarardheere.

Dilkii Al-Shabaab ee labada wiil ee Ceyroow

Mustaf Maxamuud Ceyroow oo dhankiisa la hadlay BBC-da ayaa sharraxay dhibaatada ay reerkiisa u geysteen Al-shabaab isagoo sheegay in walaalihiis uu u aar guday.

“Al-shabaab waxa ay dileen walaalehey Faarax iyo Jaamac, walaalehey waxay ii ahaayeen garab waan u aaray waana u sii aari doona “

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Hadda waxaan joognaa Xarardheere illaa hal kamida Al-Shabaab uu dalka joogana waan sii wadi doonnaa halganka, hadda waxaan rabnaa in aan sii soconno ilaa Ceelbuur iyo Galhareeri.”

Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa haatan ka soconaya qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya, iyadoo deegaanno hor leh ay ciidammada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawisleyda oo isku dhinac ah kala wareegeen Al-Shabaab.

Sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2022 waxaa furimaha dagaalka ka soo muuqday saddex wiil oo walaao ah oo ku biiray dagaalka deegaanada Soomaaliya looga saarayo Al-Shabaab.

Cabdifataax Cali Cabdulle Xalane, oo ah 31 jir, Cabdixakiin Cali oo ah 27 jir iyo Cabdi-Asad Cali, oo ah 21 jir oo dhammaantood isku hooyo iyo isku aabbe ah ayaa ku wada jiray furinta hore ee dagaalka, iyagoo qeyb ka ah ciidammada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee garabka siinaya maleeshiyada qabaa’ilka is-abaabulay ee wajahaya Al-Shabaab.

Previous articleAlshabaab isku Diyaarinaayay Weerer Qorshaysan oo ayagii La Weeraray Askar badana laga Dilay
Next articleWiilka uu dhalay Musaveni oo shaaciyey hadal dad badan ka yaabiyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here