Home Wararka Caalamka Kenya oo Safiiro u kala magacowday Muqdisho iyo Hargeysa

Kenya oo Safiiro u kala magacowday Muqdisho iyo Hargeysa

0

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golahiisa wasiirada iyo danjireyaasha u fadhiya dibeda. Liiska magacaabista iyo baddelaadda safiirrada iyo qunsiladaha ayaa waxaa ku jiray safiirka kenya u fadhin doona dalka Soomaaliya.

Mas’uulkaan oo warqadda la soo saaray kaga jira nambarka 14-aad ayaa lagu magacaabaa Kiringo Kubai, balse isla warqaddaas waxaa nambarka 16-aad kaga jira Cabdi Wali Maxamed oo isna loo magacaabay Hargeysa haye-yeeshee ma cadda in uu yahay Qunsul, wakiil ama safiir.

Danjiraha cusub ee Kenya u magacowday Soomaaliya waxaa uu ka tirsanyahay baarlamaanka Kenya waxaana laga soo doortay deegaanka Igembe oo ka tirsan Ismaamulka Meru.

Kiringo Kubai ayaa badalaya Thomas Chepkuto oo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyaatta u magacaabay xilkan sanadkii.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayaa Mr Kiringo ugu mahadceliyay madaxweyne Ruto xilka uu u magacaabay ee ah inuu dalkiisa ku matalo dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya.

Previous articleTobanaan qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan oo ku dhintay dagaal ka dhacay Mudug
Next articleGolaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedyo Muhiim ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here