Home Wararka Maanta Axmed Cabdulaahi Cabdi oo Saakay Dil Toogasha ah Lagu Fuliyay Kadib 5sano...

Axmed Cabdulaahi Cabdi oo Saakay Dil Toogasha ah Lagu Fuliyay Kadib 5sano oo Uu xirnaa

0

Waxaa saakay xukun dil ah lagu fuliyay Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid oo hore u dilay Wasiirkii Howlaha Guud Ee Xukuumadii Hassan Kheyre Cabaas Cabdullahi Sheikh Siraaji.

Axmed ayey maxkamadda ciidamada dil ku xukuntay 03-May- 2017, toogashada ayaana saakay ka dhacday dugsiga tababarka General Gordan ee Muqdisho.

Waxaa guul dareystay dadaalo socday mudo 5 sano ah oo lagu doonayay in xal hoose lagu dhameeyo kiiskan oo ay qoyska wasiir Siraaji qaataan diyo, iyadoo goobta xukunka ay ku sugnaayeen qoyska Wasiir Siraaji iyo kan dilka lagu fuliyay.

Wasiir Siraaji ayaa lagu dilay afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo askariga saaka la toogtay ee hore wasiirka u dilay uu kamid ahaa ilaalada hanti dhowrihii hore ee qaranka, isagoo ka shakiyay gaari raaxo uu wasiir Siraaji watay oo usoo dhawaaday midka hantidhowrkii hore ee Qaranka.

Previous articleMadaxweyne Mustafe Cagjar oo si Qurux Badan loogu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)
Next articleDowlada Soomaaliya Oo Shaacisay In Dalka Lagu Beero Toban Malyan Oo Geed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here