Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku...

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u soo magacawday Soomaaliya Danjire Danjire Ameeriko. Michael Nithavrianakis.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Safiirka Dawladda Ingiriiska ay ka wadahadleen xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Safaaradda Ingiriiska iyo Dawladda Puntland, arrimaha ku saabsan dhismaha dawladda Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee la hirgeliyey.

Dawladda Ingiriiska ee Puntland iyo sidii ay dawladda UK uga qayb qaadan lahayd dhamaystirka hannaanka dimuquraadiyadda doorashooyinka Puntland, ayaa danjiraha Britain Michael Nithavrianakis waxa uu soo bandhigay horumarka ka jira Puntland, gaar ahaan tillaabooyinka ay Puntland u qaaday dhinaca dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada DPL iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dimuqraadiyadda.

Previous articleXasan Sheekh oo la kulmey guddiga la-dagaalanka lacagaha sharci darrada ah iyo ka hortagga maal-gelinta argagixisada
Next articleDhacdo Layaab leh ayaa Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Kadib Markii Gabar Shaqaale ahayd..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here