Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirada Dalal Badan oo loosoo...

Xasan Shiikh oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirada Dalal Badan oo loosoo magacaabay Soomaaliya(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu waxa uu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, Safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, Danjiraha Cusub ee Kanada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah Danjiraha ee dalka Kuubba u fadhin doona dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay in soo celinta xiriirka dalka Kuubba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa Soomaali Heshiis la ah Dunida.

Previous articleDaria Trepova oo Sida Layaabka lahayd U Dishay Sarkaal Sare Vladen Tatarsky oo Gacanta Lagu dhigay (Sawirro)
Next articleBurcad biskoolad caag ah dadka ku dhaceysay oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here