Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaalo Culus oo Ka Dhan ah Alshabaab oo Maalmaha Soo Socda Galmudug...

Dagaalo Culus oo Ka Dhan ah Alshabaab oo Maalmaha Soo Socda Galmudug markale ka Qarxi Doona

0

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale dib u bilaabeysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, ee wali ku xooggan deegaanno iyo degmooyin katirsan maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka ayaa guulo waa weyn horey uga gaaray howlgallo ay ka sameeyeen deegaannada Hirshabelle iyo Galmudug, hasa ahaatee ciidamada ayaa dib uga soo baxay degmooyin iyo deegaanno ay Al Shabaab horey uga qabsadeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqday xeryo milatari oo kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa halkaasi kasii sagootiyay ciidamo cusub oo loogu tala galay in ay hoggaamiyaan howlgalo cusub oo bilaabanaya.

Ciidankan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh kula dar daarmay in ay soo afjaraan kooxda Al Shabaab ee wali ku sugan deegaanno dalka katirsan, waxa uuna u sheegay ciidankan furumaha dagaalka loo dirayo in shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan guulo.

Sida aan xoaha ku helnay ciidankan laga sagootiyay Muqdisho ayaa ku biiraya ciidanka jooga furumaha hore ee dagaalka, waxa ayna ciidankan hoggaamin doonaan howlgalo cusub oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanno ay maamulaan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr mar qaaday guluf dagaal ayaa guulo wax ku ool ah soo hoyisay, hasa ahaatee guulahaasi ayaan noqon kuwa sii waara, waxaana ciidanka dowladda ay dib uga baxeen deegaanno badan ay Al Shabaab ka saareen.

Previous articleKhasaare intee le eg ayay Gaysteen Gantaalladaan Iiraan ee ku Habsaday Xeryaha Ciidamada Israail?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here