Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo ka hadlay Soomaalidii lagu laayay badda dalka Yemen
- Posted at 18/03/2017 20:46:00
By Filsan

Wasiirka Arimaha dibedda ee dowladaa federaalka ee soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay xasuuqa loo gaystay qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu gumaaday badda dhexdeeda.
Wasiirka arrimaha dibadda, C/salaan Hadliye Cumar ayaa si adag uga hadlay shacabka Soomaalida ah, ee habeenkii Khamiista lagu laayay meel 50 km u jirta Xeebta Hudaydah ee dalka Yemen.
 
Wasiirka Hadliye ayaa sheegay in talaabada dadkaasi lagu laayay ay masuuliyadeeda qaadi doonaan isbahaysiga uu hogaamiyo dalka Sacuudiga iyo Dowladda Madaxweyne Hadi ee dalka Yemen.
 
Wasiirka ayaa sheegay in dhinacyadaasi looga baahan yahay in ay jawaabo ka soo bixiyaan falkaasi, lana aaso intii dhimatay, daryeelna loo fidiyo inta dhaawaca ah isla-markaana lala soo xiriiro qoysaska dhibane-yaasha.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa intaa ku daray dhibaatada halkaasi ka dhacday inay tahay in la helo cid ka masuul ah.


More News...

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacaayo oo u ambabaxay Turkiga kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa Turkiga

25/04/2017 22:04:00:-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ambabaxay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Wariyaha caanka ee John Ray oo warbixin naxdin leh kasoo diray Baydhabo oo ugu hadlaayo abaaraha

25/04/2017 22:38:00:-Wariyaha caanka ah ee John Ray oo ka tirsan telefishinka ITV News ayaa warbixin calool xumo iyo naxdin kugu beereysa kasoo diray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo ugu hadlayo xaalada abaaraha iyo saameynta ay caruurta iyo dadka waayeelka ah ku reebeen.

Gujisyada Mareykanka oo gaaray xeebaha Kuuriyada Koonfureed xili W/kuuriyana isu diyaarisay tijaabada gantaalaha dheereeya

25/04/2017 14:19:00:- Xili uu sii kordhayo cabsiga laga qabo dagaal dhex mara dowladdaha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa xeebta Koonfurta Kuuriya gaaray gujis dagaal oo Mareykanka leeyahay, kaasoo lagu magacaabo USS Michigan isla markaana gambara gantaallaha dheereeya ee dagaalka.

NAIROBI: Gaari gaaska raashinka lagu karsado waday oo baabi'iyay gaari bas ah oo 27 qofna ku dhinteen

25/04/2017 12:01:00:-Wararka ka laga helaayo magaalada Kambu ee gobolka Makueni ayaa sheegaya in 27 qof ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay wadada xiriiria Nairobi iyo Mombassa, kadib markii gaari waday gaaska raashinka lagu karsado uu ku dhacay gaari bas ah oo dad shacab ah saarnaayeen.

Mareykanka iyo midowga Afrika oo isku raacay inuu soo dhowaaday waqtigii Soomaaliya amnigeeda la wareega laheyd

25/04/2017 11:20:00:-Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas,uuliyaddeeda dhinaca amaanka.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.