Madaxweynaha Kenya oo booqday taliska ciidamada Kenya ee Dhoobleey:
- Posted at 19/03/2017 00:04:00
By Webmaster

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa socdaal qarsoodi ah ku timid maanta gudaha dalka Kenya, gaar ahaan taliska ugu weyn ciidamada Kenya ee ku yaal magaalada Dhoobleey.

Uhuru Kenyatta oo ku labisnaa dharka ciidamada milateriga ayaa magaalada Dhoobleey ku tegay diyaarad nooca helicopter-ka. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in Uhuru uu socdaal taariikhi ah ku tegay Dhoobleey.

Safarka qarsoodiga ah ee uu ku timid Uhuru Kenyatta gudaha Somalia ayeysan ka war qabin dowladda Somalia, iyadoo aysan jirin xitaa in lagu soo wargeliyay.

Ujeedada socdaalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay mid lagu dhiiri gelinayay ciidamada milateriga Kenya ee ku sugan gudaha Somalia, wuxuuna hadal uu u jeediyay ku amaanay howlgalka ay ka hayaan Somala.

"Joogitaankiina Soomaaliya, wuxuu bad baadiyay nafaf badan, dadka Kenyaanka ah waligood way idinku faani doonaan, joogitaankiina halkan waxay ugu yaraan dadka ka qaaday cabsidii Al-Shabaab, dalxiiskiina dib ayuu usoo noqday", ayuu yiri Madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidon kale, wuxuu howlgalkaan uu ku macneeyay mid ay dalkooda ku badbaadinayaan kuna caawinayaan wadanka ay deriska yihiin ee Somalia oo dhibaato ka haysato Al-Shabaab.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala hadlayaan muhiimada inay dhistaan ciidamadooda Milateri, si ciidamada Kenya ay dalkooda ugu laabtaan, taasoo ah qeyb ka ah buu yiri istiraatiijiyadooda ay uga baxayaan Soomaaliya.

Saldhiga Milateri ee Dhoobley ayaa ka mid ah xarumaha howl galka AMISOM ee ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

 

Booqashada Kenyatta uu ku tegay xarunta ciidamada Kenya ee Dhoobleey ayaa lagu macneeyay inay qeyb ka tahay ololaha siyaasadeed ee tartanka doorashada madaxtinimada dalkaasi oo dhawaan la caban doono.  

 

    

 


More News...

Maxaad kala socotaa agabka dagaal ee ay ISIS uga carareen magaalooyinkii laga saaray ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq?

20/10/2017 09:27:00:-Waxaa labo maalmood ka hor laga saaray magaalada Raqqa kooxda ISIS oo ay u aheyd caasimaddoodii dalka Suuriya, mudana haysteen. Sidoo kale waxaa kooxdaasi dagaal muddo sannad ku dhow socday lagaga adkaaday magaalada Mosul ee dalka Ciraaq. Hadaba maxey agab hub ah uga tageen?

Madaxda dowladda oo ku dhawaaqay xaalad dagaal in dalka la gelinayo sabtida wixii ka danbeeyo

20/10/2017 12:44:00:- Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in wixii ka danbeeya Sabtida uu dalka gelayo xaalad dagaal, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee u taagan xasuuqa shacabka.

HARGEYSA: Guddoomiyaha ciyaalka Somaliland oo ka xun qaraxii Zoobe, baaq adagna diray

20/10/2017 10:30:00:-Cumar Cabdiqani Maxamuud oo ah guddoomiyaha ciyaalka Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay qarixii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Zoobe, waxaana uu baaq adag u diray shacabka reer Muqdisho.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga oo la kulmay taliyaha guud ee ciidamada AMISOM kana wada hadlay duullaan Shabaab ka dhan ah

20/10/2017 06:10:00:-Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa la kulmay taliyaha ciidamada AMISOM Jen, Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiisha ugu sareysa ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna isla soo qaaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in la sii xoojiyo howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab.

Ra`iisul wasaare Khayre oo kulan dhiirri-gelin ah la qaatay dhalinyarada Gurmad Qaran, lana dar-daarmay

20/10/2017 06:02:00:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed iney u istaagaan sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed, xili uu la hadlayay dhalinyarada Gurmad Qaran oo maanta uu kulannlan la qaatay.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.