R/wasaare Kheyre oo ka hadlay duqeynta lagu laayay soomaalidii ka carareysay dagaalada Yeman
- Posted at 19/03/2017 00:23:00
By Webmaster

Ra'iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa war qoraal ah kasoo saaray falkii shalay lagu gumaaday qaxooti Soomaaliyeed oo doon saarnaa xili ay ka cararayeen dagaalada ka socda dalka Yeman, kuna sii jeedaan dalka Sudan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu ka murugooday dhimashada ku timid shacabka Soomaaliyeed ee lagu duqeeyay xeebaha dalka Yemen, kuwaasoo u badnaa haween iyo caruur.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen dadkaasi sida xaq darada ah loogu laayay iyaga oo ku safraya xeebaha dalka Yemen, waxaana uu cambaareeyey falkaasi ka baxsan bani’aadanimada iyo xaquuqul insaanka.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la baaro falkaasi iyo cida ku lugta leh, maadaama ay dadkaasi ahaayeen dad aan hubeysneyn oo aan waxba galabsan, una badnaa haween iyo caruur.

Ugu dambeyn, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray howlwadeenada wasaaradda arrimaha dibedda inay ka caawiso qoysaskii ay ka baxeen dadkaasi lana wadaagaan wixii macluumaad ah ee laga hayo dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah.

 



More News...

Wasiirka arrimaha dibada oo waraaqaha aqoonsi ka guddoomay safiirka Itoobiya

29/04/2017 23:45:00:-Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Somalia ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona caasimada dalka ee Muqdisho.

Xaaska madaxweynaha dalka Siiriya oo dhalashada Ingiriiska lagala noqday

29/04/2017 23:24:00:-Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay dhalashadii dalka Ingiriiska kala laabteen xaaska Madaxweynaha dalka Siiriya Bishaar Al Asad oo lagu magacaabo Asma Fawaz Al Akhras.

Banaanbaxayaal ka careysan dhimista dhaqaalaha howlgabka oo Rio de Janeiro ruxay

29/04/2017 23:05:00:-Madaxweynaha dalka Brazil Michel Temer, ayaa hadal uu jeediyay oo ku saabsan inuu yareynaayo lacagaha dadka howlgabka ah qaataan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo qalqal geliyay amaanka dalkaasi, iyadoo ay ku burbureen hanti badan.

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo doortay guddiyada joogtada

29/04/2017 22:35:00:- Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta {Sabti} kulan ay yeesheen waxay ku doorteen guddiyada joogtada oo ka kobben sagaal xubnood, mid walbana uu uu ka kooban yahay shan xildhibaan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay waddo cusub oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho

29/04/2017 12:42:00:-Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigay wado laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, dhismaha wadadan aytaa waxaa gacan weyn ka geesanaya maamulka gobolka Banaadir.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.