Afrikaan helay dheemankii dunida ugu weynaa kii ku xigay iyo madaxweynaha dalkiisa oo uu ugu deeqay
- Posted at 19/03/2017 06:36:00
By Admin

Wadaad baadari ah oo kasoo jeeda tuulada Yakadu ee dalkaasi Sierra Leone islamarkaana lagu magacaabo Emmanuel Momoh ayaa helay dhagax dheeman ah oo culeyskiisa lagu qiyaasay 706-karat, waana kii labaad ee ugu weyn ee dalkaasi laga helo.

Sannadkii 1972 ayaa dalkaasi laga helay dheemankii ugu weynaa dalkaasi kaas oo culeyskiisa lagu sheegay 968.9-karat, waxaana lagu iibiyay lacag dhan 2,5 milyan oo dollar.

Mr. Emmanuel Momoh ayaa dheemankaasi ku wareejiyay madaxweynaha dalkiisa Senegal Ernest Bai Koroma, wuxuuna u hibeeyay dalkiisa si horumar loogu gaarsiiyo.

Dalka Senegal oo uu ku badan yahay dheemanka ayaa qaxar badan ka dhaxlay waxaa dagaal socday muddo 11 sano ah oo ka dhashay dheemanka uu soo idlaaday sannadkii 2002-dii.

Madaxweynaha dalkaasii oo ka hadlay sadaqada muwaadinkan ayaa sheegay in lagu iibin doono qiimo sare si loogu kaashado horumarka dalka la gaarsiinayo, waxaana uu ugu baaqay shacabka intiisa kale in ay raacaan dhabbaha Emmanuel oo kale.

Ma cadda qaabka uu u helay wadaadkan dheemanka sidaa u weyn.

 



More News...

Shakhsiyaad caan ah oo mar kale xaflad qalin-jabin ah u sameeyeen jaamacadihii ay kasoo bexeen - Yaad ka taqaan?

22/05/2017 18:22:00:-Shakhsiyaadkan caanka ah ee xafladda mar kale loo qabtay ayaa waxaa ka mid ah Oprah WInfrey, Arnold Schwarzenegger, Pharrell Williams, Nick Offerman, Octavia Spence, Helen Mirren iyo qaar kaloo badan.

Ra`iisal wasaaraha oo dhiirigeliyey ciidamada howlgalka caasimadda oo hub soo ururiyey

22/05/2017 16:59:00:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra'isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

Haweeney gaari buuxa oo alaab ah kasoo xadday dukaan oo bannaanka mucjiso ku qabsatay

22/05/2017 17:29:00:-Haweeney tuugo ah ayaa gaari kuwa lagu adeegto oo alaa ka buuxda kasoo xaday mid ka mid ah dukaamada Walmar ee dalkaasi Mareykanka. Waxaa bannaanka ku qabsatay arrinlayaab leh kaddib markii ay kaligeed fuftay, alaabtina ka carartay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo si diirran loogu soo dhoweeyay Israel

22/05/2017 15:16:00:-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tegay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Mareykanka.

LA-YAAB: Askarigii ugu horreeyay ee robot ah oo ku biiray booliska garoonka diyaaraddaha Dubai

22/05/2017 15:40:00:-Booliska Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay inuu ku soo biiray askarigii ugu horeeyay ee gacan-ku sameys (Robot) caqli leh.Robot-ka Booliska ah ayaa mid shaqadiisa si xirfad ku jirto u gudanaya isagoo gacan siin doona dadweynaha magaalada Dubai iyo dadka fara badan ee halkaasi u taga dalxiiska.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.