Madaxweynaha Turkiga oo lagu wado in uu xarigga ka jaro saldhigga militeri ee Turkiga ka dhisay duleedka Muqdisho
- Posted at 19/03/2017 12:06:00
By Webmaster

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan aya la filayaa inuu mar kale socdaal ku yimaado magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo safaaradda Turkiga ee Muqdisho, safarka madaxweynaha Turkiga ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha soo socoto ee April, iyadoo imaanshahiisa ay salka ku hays labo arin.

Arinta koowaad oo ah inuu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan xariga ka jaro dhismaha saldhiga milateri ee Turkiga ka dhisay Muqdisho, kaasoo noqon doona mid lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.

Tan labaad oo ah inuu sidii looga bartay kal hore uu beisha caalamka kusoo jeediyo Somalia oo xiligaan abaar ba’an ay ka jirto iyo macluul.

Booqashada Madaxweynaha Turkiga ee Muqisho ayaa lagu wadaa inuu dhaco isha April ee soo socota, iyadoo uu xariga ka jari doono saldhigga milateri ee  Turkiga ka dhisay Muqdisho, kaasoo lagu tababarri doono ciidamada Soomaalida.

Socdaalka Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa ku wehlin doona wasiiro ka tirsan xukuumadda Ankara, taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Gen. Hulusi Aka oo kala qeyb qaadan doona furitaanka saldhiga milateri iyo ganacsato.



More News...

M/WEYNE FARMAAJO: " - Imaamka Al-Azhar waxaan isla qaadannay sidii la iskaga kaashan lahaa iftiiminta fikirka khaldan ee xagjirnimada"

21/08/2017 18:08:00:-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii labaad booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta tagay Xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee magaalada Qaahira, halkaas oo sii diirran uu ugu soo dhaweeyey Imaamka Mu’assasada Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib.

Madaxweynaha Jubbaland oo daah furaysharciga dhismaha dowladaha hoose

21/08/2017 17:35:00:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah furay Sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose iyo geedi socodka dhismaha golayaasha Degmooyinka.

RUUSHKA: Muuqaalka ninkii mindida ku weeraray shacabka oo ay boolisku tooganayaan

21/08/2017 15:38:00:-Muuqaal muujinaya ninkii mindida ku dhaawacay siddeedda ruux magaalada Surgut ee gobolkaasi Siberia ee dalka Ruushka ayaa lasoo bandhigay. Niinkan iyo booliska oo is ceyrsanaya ayaa muuqaalka lagu arkayaa, dabadeedna dhabarla laga tooganayo.

Ciidamo ka socda dalka Burundi oo kasoo degay garoonka diyaaraddaha Muqdisho

21/08/2017 14:42:00:-Ciidamo hor leh oo ka socda dalka Burundi ayaa kasoo degay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho axadii shalay. ciidamadaan cusub ayaa u bilaabatay hal sano oo ay ku gudanayaan waajibaadkooda nabad-ilaalineed ee Soomaaliya iyaga oo qayb ka ah ciidamada AMISOM.

Shirkad hoteelada iyo maqaayadaha ka uruurisa bisadaha oo Muqdisho ka howl bilowday

21/08/2017 14:51:00:-Shirkad aan horay looga arag magaalada Muqdisho oo aruurisa bisadaha ama mukulaaha isla markaana dadka lacago ugu qaatado, si looga dhaqaajiyo.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.