Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo magaalada Nairobi ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray
- Posted at 19/03/2017 12:11:00
By Filsan

Waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland.
Marxuumka ayaa dalka Kenya loogu qaaday xaalad caafimaad, kadib markii uu ku dhaawacmay 8-dii bishan Maarso, qarax loogu xiray gaarigiisa, xili uu ka soo baxay hotel ku yaala magaalada Gaalkacyo.
 
Xil. Cabdulqaadir ayaa waxaa waxyeelo ay ka soo gaareen qaarka danbe ee jirkiisa, waxaana dhaawiciisu xiligaasi uu ahaa mid culus.
 
Geerida xildhibaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, isla markanaa uga tacsiyeey shacabka reer Puntland geerida ku timid marxuum Cabdulqaadir Faarax Bootaan.
 
Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee ka soo jeeda gobolka Mudug, waxaana uu xubin ka ahaa guddiga nabad galyada ee loo xil saaray gobolka Mudug.


More News...

M/WEYNE FARMAAJO: " - Imaamka Al-Azhar waxaan isla qaadannay sidii la iskaga kaashan lahaa iftiiminta fikirka khaldan ee xagjirnimada"

21/08/2017 18:08:00:-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii labaad booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta tagay Xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee magaalada Qaahira, halkaas oo sii diirran uu ugu soo dhaweeyey Imaamka Mu’assasada Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib.

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay golaha wasiirada cusub ee Galmudug

21/08/2017 21:31:00:- Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay golihiisa wasiirada cusub oo ka kooban 22 wasiir, kuxigeenadooda iyo 8 Wasiiru dowlayaal.

Booliska Spain oo goor dhow toogtay ninkii ay ku tuhmayeen weerarka Barcelona

21/08/2017 18:34:00:-Nin la rumeysan yahay in uu yahay kii waday gaarigii dadka la jiirsiiyay wadada La Rambla ee magaalada Barcelona Younes Abouyaaqoub ayay galabta toogteen booliska dalkaasi Spain.

Madaxweynaha Jubbaland oo daah furaysharciga dhismaha dowladaha hoose

21/08/2017 17:35:00:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah furay Sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose iyo geedi socodka dhismaha golayaasha Degmooyinka.

RUUSHKA: Muuqaalka ninkii mindida ku weeraray shacabka oo ay boolisku tooganayaan

21/08/2017 15:38:00:-Muuqaal muujinaya ninkii mindida ku dhaawacay siddeedda ruux magaalada Surgut ee gobolkaasi Siberia ee dalka Ruushka ayaa lasoo bandhigay. Niinkan iyo booliska oo is ceyrsanaya ayaa muuqaalka lagu arkayaa, dabadeedna dhabarla laga tooganayo.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.