Ra`iisal wasaaraha oo codsaday in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug:
- Posted at 20/03/2017 02:57:00
By Webmaster

Raiisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa war qoraal ah kasoo saaray doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, isagoo ku baaqay in dib loo dhigo shower arrimood oo dartood.

Xasan Cali Kheyre ayaa sababaha uu ku codsaday in dib loo dhigo doorashada Galmudug ayuu ku faah faahiyay qoraalkiisa, waxaana ka mid ahaa:.

 

Hadaba wuxuu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya soo jeedinayaa:

1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

 

2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.

 

3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

 

4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

 

5-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

 

—-DHAMMAAD—-

 



More News...

Shakhsiyaad caan ah oo mar kale xaflad qalin-jabin ah u sameeyeen jaamacadihii ay kasoo bexeen - Yaad ka taqaan?

22/05/2017 18:22:00:-Shakhsiyaadkan caanka ah ee xafladda mar kale loo qabtay ayaa waxaa ka mid ah Oprah WInfrey, Arnold Schwarzenegger, Pharrell Williams, Nick Offerman, Octavia Spence, Helen Mirren iyo qaar kaloo badan.

Ra`iisal wasaaraha oo dhiirigeliyey ciidamada howlgalka caasimadda oo hub soo ururiyey

22/05/2017 16:59:00:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra'isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

Haweeney gaari buuxa oo alaab ah kasoo xadday dukaan oo bannaanka mucjiso ku qabsatay

22/05/2017 17:29:00:-Haweeney tuugo ah ayaa gaari kuwa lagu adeegto oo alaa ka buuxda kasoo xaday mid ka mid ah dukaamada Walmar ee dalkaasi Mareykanka. Waxaa bannaanka ku qabsatay arrinlayaab leh kaddib markii ay kaligeed fuftay, alaabtina ka carartay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo si diirran loogu soo dhoweeyay Israel

22/05/2017 15:16:00:-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tegay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Mareykanka.

LA-YAAB: Askarigii ugu horreeyay ee robot ah oo ku biiray booliska garoonka diyaaraddaha Dubai

22/05/2017 15:40:00:-Booliska Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay inuu ku soo biiray askarigii ugu horeeyay ee gacan-ku sameys (Robot) caqli leh.Robot-ka Booliska ah ayaa mid shaqadiisa si xirfad ku jirto u gudanaya isagoo gacan siin doona dadweynaha magaalada Dubai iyo dadka fara badan ee halkaasi u taga dalxiiska.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.