Eedeymihii lagu haystay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in uu xiriir la sameeyay Ruushka oo caddeymo loo waayay
- Posted at 20/03/2017 09:15:00
By Admin

Madaxa guddiga Congresska Maraykanka u qaabilsan sirdoonka ayaa sheegay in aanu hayn caddeyn muujineysa in ay wada shaqeyn dhexmartay Ruushka iyo ololihii doorashada madaxweyne Trump ee sanadkii tegay.

Devin Nunes, oo waraysi siiyay telefishinka Fox News ayaa sheegay in sidoo kale aanay jirin caddeyn muujineysa in madaxweynihii hore ee Barack Obama uu amray in si qarsoodi ah loo dhagaysto dabaqa Trump Tower.

Mr. Nunes ayaa hadalkan sheegay ayadoo maalinta beri ah uu agaasimaha FBI, James Comey, hortagi doono guddigaasi, si uu uga jawaabo su'aallo ku aaddan in Ruushka uu farageliyay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore.

Masuulkan ayaa dhanka kale sheegay in uu ka walaacsan yahay eedeymaha ah in sirta qaranka Maraykanka loo dusiyo warbaahinta, asagoo sheegay in arrintaasi ay tahay dembi baaritaan u baahan.



More News...

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo madaxiisa beerka la isaga tumay xeeb ku taal California

27/03/2017 17:38:00:-Koox yar oo tiradooda lagu qiyaasay 20 ruux oo kasoo horjeeday madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa ay u tageen taageerayaal Donald Trump kuwaas oo xaflad ku lahaa xeeb ku taal gobolka California. Qiyaas waxa dhacay. Foodda ayaa la is daray.

al-Bashiir oo ku fool leh dalka Jordan xilli ay baadi-goobeyso maxkamadda adduunka

27/03/2017 18:26:00:-Madaxweynaha dalka Sudan Omar al-Bashir ayaa ka qeyb galaya shirka waddamada Carabta ee dhawaan ka furmaya dalkaasi Jordan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo Beledweyne kula kulmay saraakiil ka tirsan UN-ka

27/03/2017 18:49:00:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magaalada Beledweyne kulan kula qaatay, Xubno ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo madaxweynaha uu kala hadlay arrimo kale duwan oo La xiriira wax ka qabashada baahiyaha ka jira deegaanada Hirshabelle.

Wasiirkii hore ee warfaafinta oo ka hadlay "dulmiga" dadka Muqdisho lagu hayo:

27/03/2017 15:58:00:-Wasiirkii warfaafinta dowladdii hore Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye' ayaa arin dad badan aysan ku baraarugsaneyn shaaca ka qaaday, taasna ay tahay sababta uu u yiri "Haddii Sheekh Nuur Baaruud madaxweyne laga dhigo inuu tuug noqonayo, taasoo uu ula jeeday in lagu tilmaami doono tuug hantida dhaca,

Ciidamada Kenya oo sheegtay inay dileen 31 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab

27/03/2017 15:32:00:-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay 31 Al-Shabaab ah ku dileen weerar ay ku qaaday xarun ay kooxda ku leedahay degmada Badhaadhe, Jubbada Hoose.
Live Studio
Booqo bogga Live Studio-ga

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.