WENGER: Dhowaan ayaan shaacin doonaa go`aankeyga Arsenal
- Posted at 20/03/2017 12:15:00
By Admin

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger, ayaa sheegay in uu dhawaan shaaca ka qaadi doono mustaqbalkiisa naadigaasi.

Wenger ayaa hadalkan jeediyay ka dib guuldaradii 3-1 ahayd ee shalay galab kasoo gaartay kooxda West Brom, oo ah guuldaradii afaraad ee shantii kulan ee ugu dambeysay kooxdaasi.

Guuldaradaasi ayaa dhalisay cabsi ah in Arsenal ay xilli ciyaareedkan ka mid noqon weydo afarta koox ee ugu saraysa horyaalka Ingiriiska, oo ay ka mid noqoneysay tan iyo sanadkii 1996.

"Waan ogahay waxa aan samayn doono," ayuu yiri Wenger, oo intaa raaciyay "dhowaan ayaad ogaan doontaan."

Qandaraaska Wnger ayaa ku eg dhammadka xilli ciyaareedkan, balse waxaa loo soo bandhigay in uu laba sano ee dheeraad ah lasii joogo Arsenal.

Kulanka xigga ee horyaalka Ingiriiska ayaa Arsenal waxa ay 2-da bisha April la dheeli doontaa Manchester City.



More Sports...

Lionel Messi oo ganaax lacageed loogu baddelay badalkii xabsiga

24/06/2017 06:39:00:-Xiddiga kubadda cagta ee Lionel Messi ayaa ka baaqsan kara inuu xabsi galo muddo 21 bilood ah, ka dib markii lagu helay inuu cashuur la goostay, xabsigana loogu badeli karo ganaax lacageed, sida ay ku warramayso warbaahinta Spain.

Laacib Cristiano Ronaldo oo doonaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid

20/06/2017 09:14:00:-Xidiga kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo, ayaa aad uga carooday eedeynta ah inuu canshuur la baxsaday, waxaana uu doonayaa inuu kooxdaasi ka tago, sida uu BBC-da u sheegay qof aad ugu dhaw.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo loo haysto canshuur lunsasho

13/06/2017 16:36:00:-Dacwad oogeyaal reer Spain ah ayaa ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ku eedeeyay in uu dawladda ka khayaanay canshuuro gaaraya malaayiin doolar.

Kooxda Manchester United oo ka takhluuseysa Zlatan Ibrahimovic

10/06/2017 12:53:00:-Kooxda Manchester United ayaanan la filayn in qandaraas cusub ay u bandhigto weeraryahankooda Zlatan Ibrahimovic marka 30-ka Juun uu dhaco midka uu haatan kula joogo kooxdaasi.

Ciyaaryahan Afrikaan ah oo garoon ku dhex geeriyooday isaga oo aalamiinteynaya

06/06/2017 06:27:00:-Cheik Tioté (30-jir) oo kasoo jeeda dalka ivory coast islamarkaana u ciyaari jiray kooxda Newcastle ayaa geeriyooday kaddib markii uu ku dhacay garoon uu ku tababaranayay oo ku yaal magaalada Baijing ee dalkaasi Shiinaha.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.