Mareykanka oo ka mamnuucay diyaaradaha qaar in rakaabku la soo fuulaan aaladaha korontada ama bateriga ku shaqeeya
- Posted at 21/03/2017 06:16:00
By Admin

Mareykanka ayaa qorsheynaya in qalabka korontada ku shaqeeya ee sida laabtoobyada iyo tablets-ka laga mamnuuco in lala raaco diyaaradaha uga imaanaya wadammada Bariga Dhexe iyo woqooyiga Afrika.

Xog laga helay ilo wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadaasi ay saameyn ku yeelan doonto sagaal ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ku taga toban garoon oo ku yaalla dalkaasi.

Ka hor muddo haatan laga joogo sanad ka badan ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Daalo ee fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxaa dhibaato gaarsiiyay qarax waxyar un kaddib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho.

Baarayasha ayaa waxa ay sheegeen in qof ka tirsanaa rakaabka oo diyaaradda soo dhacay uu sitay bam lagu soo rakibay laabtoob.

Duuliyihii diyaaraddaasi ayay u suurtagashay in uu diyaaradda soo dejiyo, waxa uuna sheegay in qofkii bamka sitay oo kaliya uu ku dhintay qaraxaasi.

Xaalad noocaasi oo kale ah ayay u dhowdahay in mukhaabaraadka Mareykanka ay hadda ka cabsi qabaan.

Waxa ayna ku amreen diyaaradaha duulimaadyada tooska u taga Mareykanka ee ka yimaada siddeed dal in aysan ogolaan in diyaaradaha lala soo fuulo qalabka korontada ku shaqeeya sida laabtoobyada, tablkets-ka, kaamerooyinka, qalabka DVD-ga iyo kuwa lagu ciyaaro.

Dadka rakaabka ah ayaa wali loo ogolaanayaa in ay diyaaradda la raacaan taleefoonadooda.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa sida la sheegayo waxa ay heystaan muddo afar maalmood ah in ay amarkaasi ku dhaqan geliyaan.
 



More News...

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacaayo oo u ambabaxay Turkiga kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa Turkiga

25/04/2017 22:04:00:-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ambabaxay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Wariyaha caanka ee John Ray oo warbixin naxdin leh kasoo diray Baydhabo oo ugu hadlaayo abaaraha

25/04/2017 22:38:00:-Wariyaha caanka ah ee John Ray oo ka tirsan telefishinka ITV News ayaa warbixin calool xumo iyo naxdin kugu beereysa kasoo diray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo ugu hadlayo xaalada abaaraha iyo saameynta ay caruurta iyo dadka waayeelka ah ku reebeen.

Gujisyada Mareykanka oo gaaray xeebaha Kuuriyada Koonfureed xili W/kuuriyana isu diyaarisay tijaabada gantaalaha dheereeya

25/04/2017 14:19:00:- Xili uu sii kordhayo cabsiga laga qabo dagaal dhex mara dowladdaha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa xeebta Koonfurta Kuuriya gaaray gujis dagaal oo Mareykanka leeyahay, kaasoo lagu magacaabo USS Michigan isla markaana gambara gantaallaha dheereeya ee dagaalka.

NAIROBI: Gaari gaaska raashinka lagu karsado waday oo baabi'iyay gaari bas ah oo 27 qofna ku dhinteen

25/04/2017 12:01:00:-Wararka ka laga helaayo magaalada Kambu ee gobolka Makueni ayaa sheegaya in 27 qof ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay wadada xiriiria Nairobi iyo Mombassa, kadib markii gaari waday gaaska raashinka lagu karsado uu ku dhacay gaari bas ah oo dad shacab ah saarnaayeen.

Mareykanka iyo midowga Afrika oo isku raacay inuu soo dhowaaday waqtigii Soomaaliya amnigeeda la wareega laheyd

25/04/2017 11:20:00:-Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas,uuliyaddeeda dhinaca amaanka.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.