Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay hoggaamiyaha Ahlusunna Wal-jameeca
- Posted at 19/04/2017 13:11:00
By Webmaster

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay Hoggaamiyaha Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir iyo Wafdigiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha oo ka mid ah Guddiga qeyb ka ah wada hadalada Ahlusuna iyo Galmudug, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, iyo Xildhibaano.Kulankan ayaa looga hadlay dar dar gelinta wada hadalada Muqdisho uga socda Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana kulanka laga soo jeediyay talooyin kala duwan oo ku aadan wada hadalada iyo sidii uu u guuleysan lahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ka go’an tahay inuu guuleysto wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna.

Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabad lagu soo gaba gabeynayo wada hadalada iyo saxiixa heshiiska lagu mideynayo Ahlusuna iyo Galmudug oo dhowaan dhici doona.

30-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug, iyadoo hadii wada hadalada lagu guuleysto ay Ahlusuna qeyb ka noqon doonto doorashada.



More News...

Shakhsiyaad caan ah oo mar kale xaflad qalin-jabin ah u sameeyeen jaamacadihii ay kasoo bexeen - Yaad ka taqaan?

22/05/2017 18:22:00:-Shakhsiyaadkan caanka ah ee xafladda mar kale loo qabtay ayaa waxaa ka mid ah Oprah WInfrey, Arnold Schwarzenegger, Pharrell Williams, Nick Offerman, Octavia Spence, Helen Mirren iyo qaar kaloo badan.

Ra`iisal wasaaraha oo dhiirigeliyey ciidamada howlgalka caasimadda oo hub soo ururiyey

22/05/2017 16:59:00:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra'isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

Haweeney gaari buuxa oo alaab ah kasoo xadday dukaan oo bannaanka mucjiso ku qabsatay

22/05/2017 17:29:00:-Haweeney tuugo ah ayaa gaari kuwa lagu adeegto oo alaa ka buuxda kasoo xaday mid ka mid ah dukaamada Walmar ee dalkaasi Mareykanka. Waxaa bannaanka ku qabsatay arrinlayaab leh kaddib markii ay kaligeed fuftay, alaabtina ka carartay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo si diirran loogu soo dhoweeyay Israel

22/05/2017 15:16:00:-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tegay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Mareykanka.

LA-YAAB: Askarigii ugu horreeyay ee robot ah oo ku biiray booliska garoonka diyaaraddaha Dubai

22/05/2017 15:40:00:-Booliska Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay inuu ku soo biiray askarigii ugu horeeyay ee gacan-ku sameys (Robot) caqli leh.Robot-ka Booliska ah ayaa mid shaqadiisa si xirfad ku jirto u gudanaya isagoo gacan siin doona dadweynaha magaalada Dubai iyo dadka fara badan ee halkaasi u taga dalxiiska.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.