Koox diimeedka cusub ee Al-Saadicuuna bil xaq oo laga mamnuucay dalka Soomaaliya
- Posted at 20/04/2017 11:35:00
By Webmaster

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dalka ka mamnuucday koox diimeedka cusub ee dhawaan isa soo shaac bixiyay ee Al-Saadicuuna bil xaq.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Awqaafta iyo Diinta Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in kooxdaas laga mamnuucay Soomaaliya, kadib xiriiro ay la sameysay dowladda dalalka laga mamnuucay iyo gobolada dalka maamulada ka jira oo go'aan mideysan ka qaatay dowladdana ku raacday baaqii culumada Soomaaliyeed.

Waxyaabaha kooxdan laga mamnuucay waxaa ka mida inay tahay koox sharci darro ah oo aan soo saari karin Qoraallo, Bayaanno Maqal iyo Muuqaal leh oo aanay qaban karin shirar iyo Muxaadarooyin, isla markaana tallaabo laga qaadi doono ciddii ka tirsan.

Hore ayaa culimada Muqdisho ay kooxdan ugu tilmaameen inay tahay takfiir, waxaana sidoo kale tallaabooyin ka qaaday maamullada Somaliland iyo Puntland.

 



More News...

Ra'iisul wasaaraha oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga badda iyo xeebaha

28/06/2017 15:28:00:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyey kulanka ay yeesheen guddiga amniga Badaha, kaas oo looga hadlayay arrimo la xiriira badaha.

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay halista bariis caag ka sameysan oo maalmahaan suuqyada caalamka lasoo geliyay

28/06/2017 14:00:00:-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay raashinka aan la koontoroolin tayadiisa iyo la socodka waxyaabaha dalka soo gelaayo, iyadoo si gaar ah farta ugu fiiqday barils caag ah oo maalmahaan baraha bulshada lagu soo bandhigayay oo soo galay suuqyada caalamka qaarkood.

Haweeney waayeel ah oo dib u dhigtay duulimaad diyaaradeed xili ay duceyso is laheyd

28/06/2017 13:30:00:-Haweenay waayeel ah oo safraysay ayaa dib u dhigtay duulimaad diyaaradeed oo ka kici lahaa magaalada Shanghai ka dib markii ay matoorka diyaaradda si kama ah ugu tuurtay qadaadiic, sida ay xaqiijisay shirkad diyaaradeed oo Shiinaha laga leeyahay.

FAL AAD LOOGA ARAGAGAXO: Qoys reer Koonfur ah oo meydka gabadhooda oo 3 jir ah ka helay Laascaanood

27/06/2017 23:12:00:-Fal aad looga naxo ayaa lagu arkay magaalada Laascaanood kadib markii qoys kasoo jeeda gobolada Koonfureed gabar yar oo ay dhaleen si naxariis daro ah looga dilay, gabadhaasi oo da'deeda ku sheegeen waalidkeed seddax sano jir, waxaana meydkeeda lasoo dhigay meel aan ka fogeyn hoyga ay ka degan yihiin Laascaanood.

Madaxweynaha dowladda federaalka oo dowladda iyo shacabka Jabuuti u diray hambalyo ku aadan sanad guuradii 40-aad ee xornimada

27/06/2017 23:24:00:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti oo u dabaal degaya sanadguuradii 40-aad ee maalintii ay xornimada qaateen.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.