Ra'iisul wasaaraha oo ka mahad celiyay 8 milyan dollar oo Turkiga ugu deeqay kabka miisaaniyada dowladda
- Posted at 21/04/2017 10:47:00
By Webmaster

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga oo ka dhabeysay ballanqaadkeedii ahaa inay kabto miisaaniyada Dowladda Federaalka.

Dowladda Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ku wareejisey kabka miisaaniyada 5 bilood oo ay bishiiba kab uga dhigeyso miisaaniyada 2 milyan oo dollar. Deeqdan kabka miisaaniyada ee Dowladda Turkiga ugu talo gashay Soomaaliya ayaa lagu shubay Khasnada Dowladda Dhexe ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, tanoo la waafajinayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey arrinkan ayaa yiri “Dowladda Turkiga waa wallaal dhab ah oo jira oo fahamsan daruufaha Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa taageeradooda kabka miisaaniyada Dowladda oo ay 5 bilood na siiyeen oo bishiiba ay tahay 2 milyan oo dollar. Tani wallow aysan dhameystireynin baahida Dowladda iyo tan shacabka, haddana waa bilow wax weyn noo tareysa.”

“Dowladda Federaalka si ay shacabka ugu sheegto xaqiiqda dhabta ah ee maaliyada ayaan iclaamineynaa inay lacagtaas na soo gaartay si shacbka uu noola xisaabtamo annagana aan uga dhabeyno ballanqaadkii ahaa inaan u adeegeyno shacabka oo aan la wadaageyno xaaladeena maaliyadeed iyadoo ay dhab naga tahay inaan hagaajino maamulka iyo maareynta maaliyada si aan shacabka uga helno kalsooni marwalba ah. Deeqdan kabka miisaaniyada ahna waxaan khasnada dowladda ugu shubnay waa in shacabka ay si toos ah noola xisaabtamaan oo aan tusaale fiican u noqono si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.” RW Khayre ayaa sidan yiri

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii yiri “in kabka miisaaniyada Turkiga aysan wada dabooleynin baahida guud ee miisaaniyada, haddana waa bilow, waxaana ka codsaneynaa wallaalaha beesha caalamka inay sidoo kale kaalintooda ka qaataan kabka miisaaniyada inta ay dowladdu ka gaareyso isku filaansho dhanka dhaqaalaha ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo qadka telefoonka kula hadlay Madaxweyne Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey guushii aftida shacabka turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa isna dhankiisa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.



More News...

Ra'iisul wasaaraha oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga badda iyo xeebaha

28/06/2017 15:28:00:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyey kulanka ay yeesheen guddiga amniga Badaha, kaas oo looga hadlayay arrimo la xiriira badaha.

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay halista bariis caag ka sameysan oo maalmahaan suuqyada caalamka lasoo geliyay

28/06/2017 14:00:00:-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay raashinka aan la koontoroolin tayadiisa iyo la socodka waxyaabaha dalka soo gelaayo, iyadoo si gaar ah farta ugu fiiqday barils caag ah oo maalmahaan baraha bulshada lagu soo bandhigayay oo soo galay suuqyada caalamka qaarkood.

Haweeney waayeel ah oo dib u dhigtay duulimaad diyaaradeed xili ay duceyso is laheyd

28/06/2017 13:30:00:-Haweenay waayeel ah oo safraysay ayaa dib u dhigtay duulimaad diyaaradeed oo ka kici lahaa magaalada Shanghai ka dib markii ay matoorka diyaaradda si kama ah ugu tuurtay qadaadiic, sida ay xaqiijisay shirkad diyaaradeed oo Shiinaha laga leeyahay.

FAL AAD LOOGA ARAGAGAXO: Qoys reer Koonfur ah oo meydka gabadhooda oo 3 jir ah ka helay Laascaanood

27/06/2017 23:12:00:-Fal aad looga naxo ayaa lagu arkay magaalada Laascaanood kadib markii qoys kasoo jeeda gobolada Koonfureed gabar yar oo ay dhaleen si naxariis daro ah looga dilay, gabadhaasi oo da'deeda ku sheegeen waalidkeed seddax sano jir, waxaana meydkeeda lasoo dhigay meel aan ka fogeyn hoyga ay ka degan yihiin Laascaanood.

Madaxweynaha dowladda federaalka oo dowladda iyo shacabka Jabuuti u diray hambalyo ku aadan sanad guuradii 40-aad ee xornimada

27/06/2017 23:24:00:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti oo u dabaal degaya sanadguuradii 40-aad ee maalintii ay xornimada qaateen.

-©2006-2017 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA
Kor ku laabo ::: Login :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga / About
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.