Qabow aad u daran oo galaaftay nolosha 16 ruux ayaa waxa uu ka taagan yahay qeybo badan oo dalka Mareykanka ah, waxaana dadkan dhintay badankooda laga soo saaray guryohooda iyagoo qabow la xargagay qaarna ay isbitaalada ku dhinteen.

Meelo uusan in mudo ah ka di`in baraf ayuu ka da`ay, waxaana ka mid ah goobahaasi magaalada Tallahasse ee gobolka Florida oo aan mudo 28 sano ah baraf lagu arag.

Qaar ka mid ah darbi-jiifta ayuu sidoo kale saameeyay qabowgan, waxaana booliska magaalada Houston ee gobolka Texas sheegeen in ay heleen meydka labo darbi-jiif oo qabow la qalalay islamarkaana meyd ah.

Gawaarida iyo isu-socodka waddooyinka ayuu sidoo kale saameyn ku reebay qabowgan, waxaana wada dhalo ah inta badan waddooyinka oo ay gawaaridu ku sarriibaneyso.

Dowladda iyo hay`ado maxalli ay ayaa waxaa ay wadaan bad-baadinta dadka u jilicsan qabowga sida darbi-jiista, waayeelada iyo dadka danyarta ah.

 

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*