Home Wararka Maanta Laba Dil oo Maantay Ka Dhacday Caabudwaaq iyo Dadka Reer Galmudug oo...

Laba Dil oo Maantay Ka Dhacday Caabudwaaq iyo Dadka Reer Galmudug oo Soo Dhaweeyey

0

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa galabta dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdi Maxamed oo degmada Caabudwaaq ku dilay Bashiir Hure Cabdi, ninkaan ayaa shalay lagu xukumay dilka galabta lagu fuliyey.

Ninkan maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta marxuumka ayaa maalin kahor ka hor si lala yaabay maxkamadda uga hor qirtay dembiga loo haystay ee dilka marxuum Bashiir Hure Cabdi.

Axmed Cabdi ayaa si cad maxkamadda uga hor qirtay in Bashiir Hure uu isagu dilay, oo waliba si kas ah uu u dilay, taasi oo dadkii fadhiga ka soo qeyb galay aad uga yaabisay.

Qareenkii isku soo diyaariyey inuu u doodo ninkaan dilka loo heystay ayaa garan waayey wax uu sheego markaasi, maadaama uu isagu kahor qirtay maxkamadda.

Intaas kadib guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Axmed Cabdi Maxamed oo ah qisaasta Bashiir Hure Cabdi.

Kiisaska dilka ah iyo maxkamadeynta ka socota Caabudwaaq ayaa maalmihii u dambeeyay si aad ah u qabsaday baraha bulshada, waxaana dadka ka yaabiyey ilaa 3 nin oo si toos ah maxkamadda uga hor qirtay inay geysteen dilalka lagu soo eedeeyey.

Dadka falanqeeyey kiisaska dilalka ah ee qirashada ah ayaa ka yaabay dhiiranaanta ragga dilka geystay oo maxkamadda ka hor sheegay inay si kas ah u geysteen dilalka lagu eedeynayo.

Waa qisaastii labaad oo maanta ka dhacday degmada Caabudwaaq, waxaana hadda xabsiga ku jira hal nin oo ka mid ahaa raggii dilka lagu xukumay ee dembiyada dilka ah qirtay, ninkaas ayaa shalay maxkamadda ka codsaday in lagu wareejiyo aabihii dhalay wiilka uu dilay.

Cabdixakiin Axmed Cigaal oo magaalada Cabudwaaq 13-kii bishaan ku dilay Alle ha unaxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan, isla markaana qiraal ahaa ayaa maanta lagu bilaabay toogashada.

Cabdixakiin wuxuu ahaa ninkii ugu dhiiranaanta badnaa, isagoo maxkamadda ka dalbaday in la toogto oo laga oofiyo xadka walaalkiis Bulxan oo si bareer ah uu u dilay.

Previous articleWaa Sidee Xaalada Markab Wali u Afduuban Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here