Kooxda Everton ayaa ogolaatay heshiis ay kooxda Besiktas kagala soo wareegayso weeraryahankooda Cenk Tosun, waxaana iminka laga shaqaynayaa macluumaadka heshiiska cayaartoyga lala galayo, sida uu sheegay macallinka kooxda, Sam Allardyce.

Naadiga ayaa Arbacadii wadahadal la yeeshay guddoomiyaha kooxda Besiktas Fikret Orman, kaasoo ku saabsanaa heshiis la filayo inuu ku kaco 27 Malyan oo Gini.

Tosun oo 26 jir ah ayaa ku sugan London, isagoo sugaya in ruqsad loo siiyo wareegitaankiisa.

Allardyce wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Tosun dhakhsiyo loo diiwaan gelin doono, si uu safto cayaarta ay Jimcaha kaga hortagi doonaan kooxda Liverpool ee wareegga 3aad ee koobka FA.

Heshiiska waxaa daahiyey Besiktas oo diidday 25 Malyan oo Gini oo ay Everton gaartay.

Tosun wuxuu Besiktas gacan ka siiyey inay gaarto wareegga 16ka kooxood ee horyaallada naadiyada Yurub (Champions League), ayagoo la cayaari doona Bayern Munich.

Macallinka Everton Sam Allardyce ayaa u arka lacibkaas Turkiga ah ee dhalashada Jarmalka haysta inuu xoojin doono weerarka kooxdiisa, ka dib markii Romelu Lukaku ay Manchester United uga gadatay 90 Malyan oo Gini.

Cenk Tosun ayaa noqonaya cayaartoygii ugu horreeyey ee uu soo iibiyo Sam Allardyce tan iyo markii uu tababarenimada kala wareegay Ronald Koeman.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*