Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Ku Qaaday Xawaadleey

Alshabaab oo Weerar Ku Qaaday Xawaadleey

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin deegaanka Xawaadley oo hoostaga magaaladaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa sidoo kale isku dayay inay qarxiyaan, iyaga oo miino ku xiraya buundada deegaankaasi oo muhiim u ah isku socodka dadka shacabka ah, balse waa laga hortegay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka ka horreeyay, maadaama dhacdadu ay dhacday xilli habeen ah.

Sarkaal u hadlay milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay haatan wadaan howlgallo dheeraad ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ku raad joogaan xubnaha Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xawaadley laba jeer oo hore waxaa sidaan oo kale usoo weerartay kooxda Al-Shabaab, balse waxaa dib u celiyay ciidanka Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaq laga dareemayaa aagga halka lagu dagaalamay.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo uu shalay Balcad booqday madaxweynaha HirShabelle oo mashariic horumarineed ka daah-furay gudaha degmadaas, kuwa kalena ka dhagax dhigay, kuwaas oo muhiim u ah dhammaan dadka deegaanka.

Previous articleKenya Iyo Soomaaliya oo kala Saxiixday Heshiis Cusub oo Qaadka Ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here