Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa oo maanta Khudbad dheer ka jeediyay Munaasabad uu xilka ku wareejiyay oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Juxa ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed, ay qabaan dhibatooyin kala duwan , islamarkaana dalka  dhaqaale ahaan uu sabool yahay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hal Koox aan lagu Aaminkarin Siyaasaadda iyo badbaadinta Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka waxba ka qaban karin, isla markaana loo baahan yahay in dood caafimaad oo dhab ah laga yeesho xaaladaha jira, iyadoo aan la eegin dan shaqsiyeed ama dan kooxeed.

Halkaan Hoose ka Daawo VIDEO

One Comment

  1. aamuskaa.laguu qaatay juxaw burseelki xukumada nabad iyo kudhax jiray baad ahayd wana lagaa dhax qabtay.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*