Qarax nooca baabuurta lagu rakibo ayaa maanta ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan, kaasoo sababay dhaawaca labo qof oo gaariga saarnaa.

Sida ay ku waramayaan dadka deegaanka, qaraxa ayaa loogu xiray gaariga dad deegaanka ah, iyadoo uu dhaawac halis ah oo daran gaarsiiyay ninkii gaariga kaxeynayay oo magaciisa lagu soo koobay Catoosh iyo qof kale oo la saarnaa.

Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxan nuuciisa ahaa midka loo yaqaano dhejiska, hadana ay wadaan baaritaano kale, ayna dib ka faah faahin doonaan qaraxan.

Ciidamada ayaa xiray afarta jiho ee wadada qaraxa uu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen raggii dhaawaca uu soo gaaray, waxaa ku soo xoomay goobta uu qaraxa ka dhacay dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo eegayay sida ay wax u dhaceen.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*