Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qardho, iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Masuuliyiinta magaalada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wafdiga madaxweynaha kaga hortagay magaalada banaankeeda si ay u soo dhaweeyaan, waxaana ay ku faraxsanaayeen in madaxweynaha uu soo booqdo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiinta, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Qardho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in deegaano kale oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug uu booqdo maalmaha soo socda, waana booqashadii ugu horeysay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago deegaanadaasi tan iyo markii la doortay.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*