Maxaabiis Soomaaliyeed oo dalka India ugu xirnaa falal burcad badeednimo ayaa lagu soo waramayaa in 15 ka mid ah dhalinyaradaasi lasii daayay.

Ilaa 15 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xukunaa todobo sano oo xabsi ah ayaa waqtigooda u dhamaaday sida ay daabacday jarciada The Indian Express ee dalka India kasoo baxda.

Waxaa kaloo jira maxaabiis kale oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo tiradooda gaaraya 27 oo maalmo kadib heli doona xorriyadooda, maadama ay dhameysteen mudadii lagu xukumay.

Dowladda India ayaa qorsheyneysa in hal mar ay usoo duuliso dhalinyaradaasi magaalada Muqdisho oo ay ugu sii gudbi doonaan magaalooyinkooda.

Dalka India ayaa ah dalka ugu badan ee maxaabiista Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin, kuwaasi oo loo hays falal burked badeednimo, waxaana laga qabqabtay xeebaha Soomaaliya.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*