Wasiirka arrimaha dibedda dalka Ecuador Maria Fernanda Espinosa ayaa shaaca ka qaaday in Aas-aasaha Wikileaks Julian Assange oo muddo shan sano ah ugu jira safaaradooda magaalada London ay 12-kii bisha Desember ee sannadkii tagay siiyeen dhalashada dalkooda.

Assange ayaa shan sano ka hor galay safaaradda Ecuador ee magaalada London kadib markii dowladda Swedan ay ku eedeysay fal kufsi ah xilli uu booqasho dalkaasi ku joogay sannadkii 2010-kii, balse Assange ayaa eedeynahaasi gaashaanka ku daruuray, waxaana uu sheegay in Mareykanku uu ka dambeeyo.

Laakiin bishii May ee sannadkii tagay ayay dowladda Swedan laashay kiiska Assange, laakiin waxa uu go`aansaday in uu wali kusii jiro safaaradda isagoo ka baqanaya in Mareykanka loo dhiibo.

Booliska London ayaa horay u sheegay in ay qabanayaan Assange haddii uu bannaanka uga soo boxo safaaradda.

Mareykanka ayaa Assange ku haysta in uu boggiisa Wikileaks ku baahiyay macluumaad sir ah oo ku saabsan dagaaladii Ciraaq iyo Afghanistan kuwaas oo dhaliyay hadalhayn badan.

 

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*