Hadalkii  madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka jeediyay  shir ka dhacay xafiiskiisa aqalka cad ee loo yaqaan “Oval Office” ayuu dalalka ay muhaajiriinta ka yidaamaan ku tilmaamay “qashin qub” oo kale ah, waxaana hadalkaasi ka dhashay carro balaaran oo adduunka oo dhan ah.

Trump ayaa qoraalk uu soo dhigay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in ereybixinta uu isticmaalay ay ka duwan tahay tan ay warbaahinta faafisay, islamarkaana uusan ula jeedin caay ama bahdil.

Dalalka uu sida gaarka ah u carabaabay ayaa waxaa ka mid ah dalka Haiti, El Salvador iyo Afrika oo dhan.

Hadaba dalalka Afrika ayaa ka fal-celiyay  “gefkan” uu madaxweynaha Mareykanka kula kacay Afrika, waxaana ay iminka dalbanayaan raalli gelin ku aadan hadalkaasi.

Bayaan ay ku saxiixan yihiin 54ta waddan ee ku midoobay daladda Midowga Afrika oo dhowaan soo baxay ayaa waxaa looga dalbanayaa in uu raalligelin ka bixiyo dibna ula laabto hadalkaasi madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

“Aad iyo aad ayaan uga xunnahay, una cambaareyneynaa caydii cunsuriyadda ku dheehneyd ee uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kula kacay Afrika, warbaahintuna aad u hadal hayso”, ayaa lau yiri bayaanka.

Wargeysyada Washington Post, New York Times, Politico iyo Wall Street Journal ayaa dhammaantood tabiyay hadalada gefka ah ee Trump, iyaga oo soo xiganayay dadkii ka qeybgalay shirkii uu hadalka ka jeediyay.

Xildhibaanada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga ee Aqalka Congress-ka ayaa maalintii khamiista xafiiskiisa ku booqday Trump si ay uga wada hadlaan arrimaha muhaajiriinta, xiligaas oo ahayd markii uu Trump hadalada gefka ah jeediyay.

Dalka Botswana ayaa u yeertay safiirka Maraykanka, iyada oo hadalka madaxweynaha ku tilmaamtay mid aanan loo dulqaadan karin oo qeyru mas’uulnimo ah.

Afhayeenka hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Rupert Colville ayaa sheegay in haddii uu run noqdo hadalka Trump uu ka dhiganyahay fadeexad weyn iyo ceeb laga ashqaraaro.

Ururka qaran ee dadka midabka ah ee Maraykanka ee NAACP ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Trump uu kusii dhacayo god bakayle oo aad u dheer, kaas oo ah mid nacayb iyo midab takoornimo. Ku salaysan.

Hadalada madaxweynaha waxaa ka mid ahaa kuwa uu u jeediyay dadka ka imanaya dalka Haiti oo uu sheegay in aanan Maraykanka looga baahnayn, islamarkaasna ay tahay in dalka laga tarxiilo.

Gabadha lagu magacaabo Mia Love oo ah xildhibaanad kasoo gasha gobolka Utah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, asal ahaana kasoo jeedda dalka Haiti ayaa Trump ka dalabtay in uu raaligalin rasmi ka bixiyo hadalada uu jeediyay.

Todobaadyadii dhawaa, maamulka Trump ayaa isku dayayay in uu xadido tirada xubnaha qoyska ee Maraykanka iman kara si ay ugu soo biiraan xubno kale oo horey Maraykanka ugu noolaa.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*