Dowladda Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay u ogolaatay in dumarku ka qeyb gali karaan daawashada ciyaaraha garoomada, iyagoona toos u aadi kara garoon kasta oo ciyaari ka socoto. 

Arrintan ayaa lagu daah-furay ciyaar shalay oo Jimce ah magaalada Jiddah ku dhex martay kooxaha Al-Ahli iyo Al-Batin, waxaana ka mamnuuc ah dumarkaasi in ay soo aadaan goobahan oo kale iyaga oo aan caruurtooda ama seygooda la socon.

Dumarka Sacuudiga ayaa mudooyinkan dambe laga qaadayay xayiraadaha bulso ee saaran, waxaana dhowaan loo ogolaaday in ay kaxeyn karaan gawaarida.

Wax ka badan sharciyada xakameynaya dumarka ee Sacuudiga ayaa la khafiifiyay mudooyinkan dambe, waxaana taasi loo sababeynayaa hoggaamiyaha xilka dalkaasi la wareegaya ee Maxamed Bin Salmaan uu doonayo in uu arko isbaddel dhanka bulshada ah.

One Comment

  1. hadialamin45@hotmail.com says:

    AAKHIRSAMAANKA AYAA SAAS LAGU GARANAAYO XAQA DHAN AYAA

    LAGA TAGAAYO NINKII SALAAM UU AHAA BOOSKII WALAALKIISA LAHAA

    WAXOW U DHIIBTAY WIILKIISA WAX DAYA WAX YAR KADIB

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*