Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Diiday Dalab uga Yimid dalalka ugu hodansan caalamka ee...

Dowlada Soomaaliya oo Diiday Dalab uga Yimid dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay baaq kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, kaasi oo ku aadanaa wada-hadal laga galo xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya.

Wasiirada Arrimaha Dibedda dalalka G7 ee Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Mareykanka ayaa ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya “inay furaan dhammaan marinada wada-hadalka si looga hortago in xiisadda ay kasii darto.”

“Waxaan walaac ka muujineyaa heshiiska is-afgaradka ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya ee lagu dhawaaqay Janaayo 2024. Waxaan ku dhiirigelinaynaa Itoobiya iyo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya inay sii furnaadaan dhammaan waddooyinka wada-hadallada si looga hortago in xaaladda ay sii xumaato, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada gobolka, Midowga Afrika iyo iyada oo loo marayo xiriiro laba geesood ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri qoraalka G7.

Ayada oo ka jawaabeysa qoraalkaas, ayey wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya sheegtay inay soo dhoweyneyso adkeyntooda ku aadan nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Soomaaliya. Si kastaba, waxay meesha ka saartay wada-hadal ay la gasho Itoobiya.

“Soomaaliya waxay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso wadashaqeynta ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabadda iyo barwaaqada waarta ee Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wada-hadal lala galo Itoobiya ayaa ah mid aan suurta-gal ahayn illaa ay ka noqoto is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ayna muujiso ixtiraam buuxa oo ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo mabda’a faragelinta la’aanta ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo la saxiixay 1-dii Janaayo ayey Hargeysa waxay Addis-Ababa ku siisay dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo ku bedeleneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Itoobiya.

Is-afgaradka oo qorshuhu ahaa in heshiis rasmi ah loogu beddelo muddo bil gudaheed ah ayaan illaa hadda dhaqaaqin ayada oo laga joogo ku dhowaad afar bilood, waxaana muuqata cago-jiid dhanka Itoobiya ah, oo la kulantay cadaadis caalami ah.

Previous articleShirkii Xasan Shiikh ugu Baaqay Maamul Goboleedyada oo Baaqday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here