Home Wararka Maanta Maxay isku Ahaayeen Wiilka Iyo Gabadha Meydkooda laga Dhex Helay Gaariga Buroofta...

Maxay isku Ahaayeen Wiilka Iyo Gabadha Meydkooda laga Dhex Helay Gaariga Buroofta ah Kadib Maalmo La Waysanaaa?

0

Mayadka laba qof oo kala ahaa nin iyo xaasikiisii hore ayaa maanta laga helay xero ku taalla agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim iyo Xamdi Cabdulqaadir Cabdulle, sida ay xaqiijiyeen ehelladooda oo la hadlay warbaahinta.

Maydadka labadan qof oo la la’aa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa laga dhex helay gaari nooca aan xabadda karin oo yaallay xero gaadiid lagu xareeyo oo ku taallo halkaas.

Abuukar Yuusuf ayaa sidoo kale ahaa darawalka Maxamed Zubeer oo ahaa xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, mana cadda sababta keentay geerida labada qof.

Aabe Cabdulqaadir Cabdulle oo dhalay marxuumadda ayaa sheegay inuu saddex cisho kahor waayay gabadhiisa, haddana loo soo sheegay maydkeeda, wuxuuna tilmaamay in ninka ay isla geeriyoodeen uu ahaa saygeedii hore oo ay kala tageen laba sano kahor.

“Halkan waxaa ka dhacday gabarteeda oo dhimatay oo muddo saddex maalmood ah raadinayay ayaa la’ii soo sheegay, gabadha iyo wiilka mar hore ayay kala tageen laba sano kahor ayay kala maqan yihiin” ayuu yiri aabaha dhalay gabadha geeriyootay.

Sidoo kale wiil la dhashay marxuum Abuukar Yuusuf oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu hadda socdo baaritaan, ayna cadaalad ka dalbanayaan dowladda dhexe.

“Dhacdada ayaa naloo soo sheegay, waana imaanay hadda booliska iyo C.I.D ayaa imaaday baarista ayaana socota” ayuu isna yiri wiil la dhashay marxuumka.

Dhacddan ayaa qayb ka noqoneyso falal argagax leh oo muddooyinkan dambe ka dhacayay gudaha caasimada, waxaana u dmabeysay dilka laba carruur ah oo ay maanta hooyadood oo dhimirka ka xanuunsan ay ku gowracday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Previous articleHooyo Caruur ay Dhashay Ku Gowracday Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here