Wiil uu dhalay guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa la sheegay in lagu dilay dalka Suuriya 29-kii bishii December ee sanadkii ina dhaafay, 2017.

Wiilkan oo lagu magacaabayay Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ka barbar dagaalamayay Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya,sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Cali Feysal Cali Waraabe oo la dhashay Wiilkaasi.

Lama sheegin goobta uu ku dhintay iyo dalka fuliyay duqeynta, balse walaalkii Cali Feysal ayaa ku gaabsaday in lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Suuriya.

Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ku biiray Daacish sanadkii 2013, waxaana uu ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Daacishm,hasa yeeshee Waxaa kooxda looga yaqaanay Abuu Shuceyb Al-Somali, waxaa uu heystay dhalashada dalka Finland.

Xuseen ayaa mar isku dayay inuu ku biiro Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, hase ahaatee waxaa laga soo qabtay xuduudka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

3 Comments

  1. ia ali warabe somalida ayuu caaya caruurtisana aduunka ayay tororista ka yiihin. Adeer caruurtada tarbiyeeso

  2. Kkkllllll kkkkkk sax waye waa oday aan carurtiisa aan ka warqabin ee siyasada xun ay u cadahay

  3. hadialamin45@hotmail.com says:

    WALEE WAA RUNTAA INTII UU XUKUN RAADINAAYO AYAA CARUURTA

    FAL XUN KU KACAAYO; WALIBA WAXAA JIRO QAAR BADAN XILDHIBAAN

    Ku masquulsan yihiin AYAA CARUURTOODI BEERTA KU JIRO YURUB:.

    FISQI XASHIISH

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*