Warar soo shaac baxaya ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay baadi-goob ugu jirto ciyaaryahanka reer Masar ee u ciyaara kooxda Liverpool Maxamed Saalax.

Saalax ayaa dhanka Roma kaga soo biiray kooxda Liverpool kuleylihii lasoo dhaafay, waxaana uu mudada uu la joogay u dhaliyay 18 gool oo uu u ciyaaray 24 kulan.

Waxaa lagu sheegay in uu yahay mid ka mid ah ciyaaryahannada ugu fir-fircoon kooxda Liverpool, waxaana uu sidoo kale kaalimaha hore ka galay xagga gool-dhalinya horyaalka Premier League-ga.

Tababaraha xulka qaranka Masar Hector Cuper ayaa warkan saxaafadda u dusiyay, waxaana uu sheegay in ay soo gaareen warar sheegaya in Real dooneyso Saalax balse ay ka war sugayaan.

Laacibkan u dhashay dalka Masar ayaa da`diisa lagu sheegay 25 sano.

One Comment

  1. Carab ciyaartiisa laga helay xaa jeesto ah

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*