Madasha Xisbiyada oo war kasoo saaray hadalkii Xaliimo Yareey

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hoggaamiyaan madaxweyeyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hor yimid hadalkii kasoo yeeray shalay guddoomiye Xaliimo Yareey ee ahaa in doorasho qof iyo cod xiligaan aysan dhici karin.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ay ku fashilmeen inay dalka ka qabtaan doorasho la wada sugayay oo ku dhacda waqtigeeda.

Waxaa kaloo Madasha Xisbiyada sheegeen in hadalkii Xaliimo Yareey ee ahaa in aysan qabin doorasho waqtigeeda ku dhacda uu xambaareysan yahay oo kaliya hadafkii muddo kororsiga ahaa oo hoggaanka madasha dhowr jeer horey uga digeen

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *