Booliska Adduunka oo sheegay in uusan tixgelin doonin codsiga Iran uga yimid

Dowladda Iiraan ayaa soo saartay warqad ay ku weydiisanayso booliska caalamiga ah ee Interpol inay xiraan madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, iyo tobanaan qof oo kale oo ay aaminsanyihiin inay ka dambeeyeen dilkii Janaraal Qaasim Suleymaan.

Booliska caalamiga ah ee Interpol oo saldhigooda yahay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska ayaa BBCda u sheegay inaysan tixgelin doonin codsiga dowladda Iiraan.

Janaraal Qaasim Suleymaan, oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds ayaa horaan sanadkan lagu dilay gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen garoonka diyaaradaha magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq.

Sharciga u yaala “ayaa hay’adda ka mamnuucaya inay sameeyaan tallaabooyin ku aadan siyaasad, milateri, arrimaha diimaha la xiriira iyo midab takoorka,” ayaa ku xusan.

Dadka falanqeeya arrimahan ayaa sheegaya in warqadda ay dowladda Iran u dirtay Interpol ay muujinayso xiriirka xumaaday ee kala dhexeeya madaxweyne Trump.

Dacwad oogaha guud ee Tehran Cali Alqasimehr ayaa Isniintii sheegay in Trump iyo 30 qof oo kale ee ku lug lahaa dilkii Qaasim Sulaymaani ay wajihi doonaan “dacwado la xiriira dil iyo argagixiso” sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wakaaladda wararka ee ISNA.

Dilka Janaraal Qaasim Suleymaan ayaa waxa sheegatay Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *