Wadaad laga eryay Norway oo wali madax-xanuun ku haya shacabka magaalada Kongsvinger

Mulla Krekar, oo magaciisa runta ah la yiraahdo Najumuddin Faraj Ahmad (63-jir) ayaa waxaa dalka Norway muddo ku dhow 20 sano loogu haystay arrimo argagixiso, isagoona ugu dambeyn ay dowladda Norway ku wareejisay horraanti sannadkan dowladda Talyaaniga oo dambiyo argagixiso iyana ku haysatay.

Sidii loo dhiibay wadaadkaasi waxaa dalka Norway ka yaraaday magaciisa iyo ka hadalkiisa haddii ay ahaan laheyd warbaahinta ama hay`adaha garsoorka oo ay horay iyo gadaal isu jiid-jiidan jireen.

Hadaba, waxaa iminka uu magaciisa kusoo laba kacleeyay magaalada Kongsvinger halkaas oo dowladda hoose ee magaaladaasi ay ku dhajisay tabeele magaciisa ku qoran yahay mid ka mid ah waddooyinka dhex mara keymaha magaaladaasi.

Tabeelahan cusub ayaa waxaa ku qoran «Krekar-bakken» oo micneheedu yahay «Dalcadda Krekar», waxaana ay tilmaameysaa dalcad aada xabsi uu ku jiri-jiray oo ku yaal magaaladaasi Kongsvinger.

Shacabka magaaladasaadi ayaa madax-xanuun ka qaaday tabeellahaasi oo dhowr jeer la dajiyay lana bur-buriyay balse uu maamulka dib usoo celiyay una dhajiyay.

Kooxo kasoo horjeeda in tabeelahaasi meesha lagu dhajiyo ayaa waxaa ay baraha bulshada ka sameysteen “group-yo” ay uga doodayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen.

Krekar oo haya sali uu xabsiga ku dhex tolay kaas oo ku xusan magaca xabsiga Konsvinger

Dadka qaar ayaa u arka arrintan maad iyo shactaro, halka kuwo kalena ay aad uga careysan yihiin.

Tan iyo sidii loogu dhajiyay tabeelahan keyntaasi ayaa waxaa ay noqotay mid caan ah oo ay dadku doonayaan in ay indhohooda kusoo arkaan.

Wadaadkan ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq, gaar ahaan deegaanada la baxay Kurdistan.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *