Ciyaar aad u xiiso badneyd oo kooxaha kubadda cagta ee Banaadir iyo Galmudug ku dhex martay garoonka Eng. Yariisoow ee magaalada Muqdisho ayaa soo idlaatay, iyadoo guushuna ay raacday kooxda kubadda cagta ee gobolka Banaadir.

Goolkii ugu horreeyay ee ciyaarta ayuu daqiiqaaddii ugu horreysay kooxda Banaadir u dhaliyay ciyaartoyga Nageeye, oo u xirta lambarka 11-aad.

Hase yeeshee Galmudug ayaa barbarro ka dhigtay daqiiqaddii 14-aad, markaas oo uu goolka bareejada u dhaliyay ciyaartoygooda Sahal Cabdi Faarax.

Markii nasashada laga soo laabtay kaddib ayuu qeybtii dambe ee ciyaarta mar kale Nageeye gool labaad u dhaliyay kooxdiisa Banaadir.

Ciyaarta oo aad usii kululaaneysay ayey kooxda Banaadir heleen fursad gool ku laad ah oo ay ku dhalin kareen goolkoodii saddexaad. Laakiin daqiiqaddii 78-aad waxaa fursaddaas ka khasaariyay laacibdooda Ibraahim Ilyaas, oo u xirta lambarka 28-aad.

Taas waxaa xigtay in daqiiqaddii 86-aad ay kooxda Galmudug heleen gool kale oo ay ciyaarta mar labaad uga dhigeen barbarro.

Ciyaartoyga Muxyadiin Jamaal ayaa goolkaas ku dhaliyay madaxa.

90-kii daqiiqo ee loogu talagalay ciyaarta iyo saddex daqiiqo oo lagu daray waxay ku idlaateen 2-2 oo labada kooxoodba aysan midna guusha ku raaci karin.

Sida uu sharciga tartankan dhigayo, waxaa toos loo guda galay gool ku laad labada kooxood lagu kala saarayo.

Kooxda Galmudug ayaa gool ku laadka ugu horreeya tuuray, laakiin wuu khasaariyayciyaartoygooda lagu magacaabo Cabdiraxmaan.

Ciyaaryahan Cabdirashiid, oo gool ku laadkii ugu horreeyay u tuuray kooxda Banaadir ayaa ku hubsaday shabaqa.

Gool ku laadkii labaad ee ay kooxda Galmudug tuureen waxaa mar kale laga badbaadiyay.

Cabaas oo Banaadir u soo baxay ayaase gool ku laadkii labaad u dhaliyay.

Gal mudug oo u muuqatay in koobka uu farahooda kasii baxayo ayaa mar saddexaad laga badbaadiyay gool ku laad uu tuuray ciyaaryahan Sarqaawi.

Ayuub ayaa gool ku laadkii saddexaad u xaqiijiyay Banaadir, sidaasna waxay guushu ku raacday kooxda Banaadir.

Kooxda Banaadir ayaa tartankii xiisaha badnaa ku guuleystay 10 sano kaddib. Gal mudug oo markii ugu horreysay hiigsaneysay koobka ayaa nasiib u yeelan weysay inay riyadooda rumeeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*