COVID-19 oo saameeyay dabaaldegga soo dhaweynta sannadka 2021-ka

Malaayiin adduunka ku nool oo sannadka 2020-ka soo arkay dhibaatada uu horseeday fayraska corona ayaa waxay u dabaal degayaan bilowga sannadka 2021-ka inkastoo xitaa dabaaldegyada ay ka duwan yihiin kuwii sannadadii hore sabao la xirira fayraska oo waxay danta ku khasabtay in ay guryahooda ku daamaashaadaan oo ay sannadka cusub ku soo dhaweeyaan.

Waxaa la arkayay dadka qaar ee kaqeybgalay xafladaha ama ciidaha iyagoo wajiyada soo duubtay ama sameynaya taxaddarro kale.

Magaalada Tokyo ee dalkaasi Japan, dadku waxay booqdeen goobta cibaadad ee Kanda Myojin si ay ugu soo duceystaan inkastoo la dhimay tirada dadka ku duceysnaya.

Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo magaaladii uu fayraska corona ka soo bilowday ayaa waxaa isugu soo uruuray dadweyne badan iyagoo sita buufino iyo dharka dabaal-degga, waxayna tirinayeen saacadaha ka harsan saqda dhexe oo ah xilliga kala wareegga si ay usoo dhaweeyaan sannadka cusub.

Taiwan si loo soo dhaweeyo sannadka cusub waxaa hawada sare loo diray bululeero inkastoo magaalooyin badan laga mamnuucay dabaaldegyada tooska ah waxayna taasi horseedday iney door-bidaan in dhanka online-ka ay ku soo dhaweeyaan sannadka 2021-ka.

Halka Philippine-na ay kooxo yar-yar isugu soo baxeen jardiin ku yaalla magaalada Manila si ay u daawadaan dabaaldegga. Maamullada ayaa dadka ku boorriyay ineysan isugu imaan hal meel.

Gudaha Hong Kong, kooxo ayaa isugu soo baxay Victoria Harbor horteeda si ay si wada jir ah ugu dabaal degaan.

Magaalada Yekaterinburg ee Ruushka ayaa sidoo kale laga dabaal-degay, iyadoo dad aan sidaa u badanayn ay isu soo baxaeen.

Fireworks and drones illuminate the sky in London

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *