Booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay muuqaal laga duubay dil ay boolisku u geysteen qof rayid ah.

Muuqaalkani ayaa waxaa duubay kaamerada jirka ee booliskii qeybta ka ahaa dilka Doolaal Ciid oo 23 jir ahaa.

Dilkaasi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo boolisku ay qof rayid ah ugu geystaan magaaladaasi tan iyo dilkii George Floyd, oo ahaa nin madow oo boolisku ay dileen bishii May ee sanadkii tagay.

Booliska ayaa arbacadii la soo dhaafay joojiyay Doolaal oo sida la sheegay looga shakisanaa in uu ku lug lahaa fal dambiyeed weyn, kaddibna toogasho ku dilay.

Dad markhaati ah iyo booliska ayaa markii hore sheegay in Doolaal uu isaga markii hore xabbad ku billaabay booliska, kuwaa oo iyagana markii dambe toogtay oo halkaa ku dilay.

Magaaladaasi Minneapolis ayaa horey waxaa u soo maray bilo ay dibadbaxyo rabshado wata ka dhacayeen kaddib dilkii ninkii madowga ahaa ee George Floyd oo boolisku ay gacantooda ku dileen.

Dibadbaxyada ka dhashay dilkiisa ayaa ku faafay guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka, waxaana xilligaasi booliska Mareykanka lagu eedeynayay tacaddiyo ka dhan ah dadka madowga ahi.

Muuqaalka uu boolisku haatan shaaciyay ayaa waxaa duubay kaamerada jirka ee mid ka mid ah askartii booliska ahayd ee qeybta ka ahaa hawlgalka lagu dilay Doolaal.

Muuqaalkani ayaa muujinayay baabuurka booliska oo kaalin shidaal ku xannibay baabuur cad. Goobtaasi Doolaal lagu dilay ayaan aad uga ka fogeyn isla goobtii boolisku ku dileen George Floyd.

Muuqaalkaasi ayaa sidoo kale laga dhex maqlayay codka booliska oo qof ku amraya in uu joojiyo baabuurka isla markaana uu gacmaha kor u taago, waxaana intaa xigay dhawaqa rasaasta oo ay ku jirtay tii ay boolisku ku ridayeen Doolaal.

Boolisku waxay sheegeen in qof dumar ah oo Doolaal la saarnayd baabuurka iyo askartii booliska ahayd aysan wax dhibaato ah soo gaarin.

Taliyaha booliska Minneapolis, Medaria Arradondo, ayaa sheegay in qori laga helay goobta uu dilka ka dhacay.

“Markii aan daawacay muuqaalkaasi la wada daawaday, waxay u muuqataa in qofkii ku jiray gaariga uu rasaas ku soo riday ciidamada booliska,” ayuu yiri.

Dad uu ka mid ahaa aabahii dhalay Doolaal oo lagu magacaabo Beyle Geelle ayaa maalintii xigtay goobta uu dilka ka dhacay isugu soo baxay, arrintaasi oo dhalisay cabsi ah in mar kale dibadbaxyo ay gilgilaan magaaladaasi.

Beyle ayaa sheegay in wiilkiisa “uu isaga jiray baabuurkiisa balse markii dambe lagu dhex dilay sabab la’aan.”

“Maxaan halkan u joogaanaa?… sababtu waa midabkayaga. Wuxuu ahaa nin madow ah. Waxaan doonayaa in aan ogaado sababta loo toogtay oo loo dilay wiilkeyga.”

Duqa magaaladaasi Minneapolis, Jacob Frey, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in uu ogaado xaqiiqda ku saabsan sidii ay wax u dheceen iyo in la helo caddaalad.

“Waanu ognahay in caawa qof loo qoonsaday nolashiisa isla markaana kalsoonida booliska iyo dadka madowga ahi ay sii xumaaneyso,” ayuu ku sheegay warbixin qoraal ah oo uu soo saaray.

“In dib loo soo celiyo kalsoonidaasi ayaa waxay u baahan tahay in si hufan loo baaro wixii dhacay.”

Dilkii boolisku u geysteen George Floyd ayaa sababay in lagu baaqo in isbadal weyn lagu sameeyo booliska ama xitaa la kala diro booliska magaaladaasi balse arrimahaasi ayaan ilaa haatan suurtagelin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*