Kooxda Real Madrid ayaa si lama filaan ah xalay uga hartay tartanka labaad ee ugu xiisaha badna dalka Spain ee loo yaqaano Copa del Rey.

Real waxay 1-2 ku khasaartay kooxda Leganes oo ay Talaadadi gurigeeda Bernabaue kula ciyaartay Leganes lugta labaad ee wareega sideeda ee tartankan.

Guuldarradaan ayaa sii kordhisay walaaca tababaraha kooxda Zinedine Zidane oo laga yaabo inuu waayo xilkiisa.

Real Madrid ayaanan hannaan ciyaareedki lagu yaqaanay ku billaaban xilli ciyaareedkan. Horyaalka Spain ee La Liga ayaa waxay hadda uga jirtaa kaalinta afraad.

Waxaa intaasi sii dheer in ay kaalinta labaad ku dhameystay wareega koowaad ee koobka Horyaalada Yurub.

Qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa Spain ayaa maanta qoray in Real Madrid ay qorsheyneyso baddalida tababare Zidane.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV