Ahmed Ali Abdullah Saleh, oo ah wiil jeneral ah oo uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Yemen Ali Abdalla Saleh oo shalay lagu dilay magaalada Sanca ayaa waxaa uu ku hanjabay aargoosi kadib markii uu wareysi siiyay taleefishin lagu magacaabo al-Ekbariya oo laga leeyahay dalkaasi Sacuudiga.

Waxa uu hanjabaadan u diray maleeshiyada shiicada ah ee Xuutiyiinta kuwaas oo lagu eedeynayo dilka aabihii oo shalay ka dhacay magaalada Sanca.

” – Aniga ayaa hoggaamin doona dagaalka dalka looga xoreynayo Xuutiyiinta, dhiigga aabaheyna waxa uu cadaab ku noqon doonaa dhawaqa dhagaha Iraan”, ayuu yiri Ahmed.

Xuutiyiinta ayaa gacan ciidan ka hela dowladda Iran oo ay diin ahaan wada wadaagaan firqada Shiicada.

Dilka madaxweynihii hore ee Yemen ayaa kusoo beegmaya xilli ka yar isbuuc markii uu sheegay in uu wadahadal la galayo xulufada Sacuudiga.

4 Comments

  1. Dr. Hussein says:

    Waad ku mahadsan tihiin warbixintaan ku saabsan wiilka uu dhalay marxuumkii Yemen ee shaly la dilay. Walaalayaal, fadlan qoraalka iska saxa, madaxweynihii hore ee Iran ma ahan waa madaxwaynihii hore ee Yemen.

    Mahadsanidiin.

    • Maxamed Maki says:

      Ditoore, dadkaan wax qora maskaxdooda ma joogto marka aan sidaa uga daba shaqeyno. Waa marqaansan yihiin badankood wariyayaasha marka ay wax qorayaan.

  2. Sidi aabahaa yaan madaxa lagu bajin dheh, igaarka.

  3. uma malaynaayo in ay wax soo kordhin doonto hanjabaada wiilka saalax waayo wax aysan ayagu isku gausan kuma dhicin
    ayagaa shiicada halkaas gaadhsiiayay
    hadana xoodho iyo faldhaan kala dhece

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*