Aabaha dhalay Naciima Abwaan Qorane oo lagu magacaabo Axmed Ibraahim Qorane ayaa si adag u cambaareeyay xarigga inantiisa kaas oo uu ku sheegay mid sharci darro ah islamarkaana caburinaya xoriyadda shakhsi ee inantiisa.

Naciima oo ah gabar waddaniyad ah oo ay ku weyn tahay somalinimada ayaa shalay subax laga qabtay madaarka Hargeysa iyada oo kusii jeeda magaalada Muqdisho halkaas oo in dhaweydba aheyd xarunteeda.

Sirdoonka Somaliland oo gacanta ku haya Naciima ayaa sheegay in ay ku haystaan dambiga ah in ay aaminsan tahay “Somaliweyn” iyo in ay baraha bulshada dhigtay muuqaallo ah guubaabo Somaliweyn.

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA AABEHEED:

DAAWO MID KA MID AH MAANSOOYINTA NACIIMA:

2 Comments

  1. duDulmidiid Hersi says:

    madaxda somaliland ma waxay uga soo aruurtay in gabadhaha la gees jilicsado mid horana way jidhaye sidaasi ma ahan si qatan cusub lagu yagleeli karo lkb waa sii kala fogayn ummadda walaalo ah iyo shacbi aan kala maarmin wax iwkula hadha ayaan idin leeyahay

  2. siciid maxamed hoori says:

    madaxda Somaliland waxan leeyahay qofku hadaad dalkiisaaminsanyahay madiintuu kqbaxay waxaan leeyahay madaxda kulmiye waxaasi waxa iini kaaynaysaa samcad xumo qofkuna waxa uu leeyahay qowl xor ah wadanina waxaan leeyahay arin taas hakahadasho hadaayna laqabin

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV