Madaxweyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta markale furay wajiga labaad ee shirka Amniga Qaranka kaas oo ka socda gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho.

Shirkan maanta ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah kuwaas oo ay ka mid yihiin siyaasadda iyo dhaqaalah, waxaana goobjoog ah oo fadhiya xubno ka socdadeeq bixiyayaasha caalamka oo ay dhageysanayaan warbixino deeqaha la xiriira.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, madax ka socota beesha caalamka, waxayna falanqeyn doonaan jawaabihii ka soo baxay qodobadii Amniga qaran ee shalay shirkaas looga hadlay.

Maanta ayaa shirkaan lasoo gunaanadi doona, waxaana la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed.

Comments are closed.