Madaxweyne ku xigeenka  maamul goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen  ayaa maanta Magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi waxa uu ku qaabilay saraakiil ka socota ciidamada booliiska Soomaaliyeed kuwaas oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Mr. Guudlaawe ayaa la qaatay kulan qado ah saraakiishan, waxa uuna u sheegay in ay gacmo furan ugu soo dhawaadaan magaalada Jowhar.

Saraakiisha ayaa tababar siinaya ciidamada booliiska maamulka Hir-Shabeelle.

Madaxweyne xigeenka iyo saraakiisha ayaa ka wada hadlay tababarada la siiyaan ciidamada booliiska Hir-Shabeelle iyo wadashaqeynta kala dhaxeysa ciidamada booliiska Soomaaliya.

Comments are closed.